Jaamacada Hageysa oo Daahfurtay Kuliyad Cusub oo lagu baranayo Culuumta Beeraha

Hargeysa (SLpost)- Jaamacadda Hargeysa, ayaa markii u horreysay daah-furtay Kulmiyad lagu baranayo Culuumta Beeraha, taas oo ku soo biirtay Kuliyadaha Jaamacadda ee lagu barto qaybaha culuumta kala duwan.

Munaasid balaadhan oo si heersare ah loo soo agaasimey, laguna daah-furay kuliyaddan oo shalay ku qabsoontay xarunta xarunta Jaamacada ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaarada Beeraha, Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Musharaxa  Madaxweynaha  ee Xisbiga Mucaaridkaa ee  UCID, maamulka Jaamacada, masuuliyiin ka kala socotey Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah, Ardayda  Jaamacada iyo marti haraf kale oo tiro badan.

Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr Cabdi Xuseen Gaas  oo ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay, ayaa sheegay inay Jaamacad ahaan aad ugu farax san yihiin inay furaan kuliyada Culuumta  Beeraha oo uu sheegay inay ahayd mid baahi badan loo qabey.

Hargeisa UniversityWasiirka  Wasaarada Beeraha  Somaliland Prof. Faarax  Ciilmi Geedoole ayaa isaguna si weyn usoo dhaweeyey  kuliyaddan cusub, waxaanu ballan-qaaday inay Wasaarad ahaan ay barbar istaagi doonaan.

Masuuliyiin iyaguna ka kala socday Hay’adaha ODHA, FOA iyo PROGRESSIO oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimada ay dalka u leedahay  barashada Culuumta Beeraha, dhankoodana ay si aad ah ay u dhiiri galinayaan sidii loo soo saari lahaa dad aqoon buuxda u leh barashada culuumta Beeraha, isla markaana ay door laxaad leh ka qaadanayaan sidii loo horumarin lahaa kuliyaddan.

Gudoomiyaha xisbiga  KULMIYE Muuse Biixi Abdi iyo Musharaxa  Madaxweynaha ee Xisbiga mucaaridkaa ee UCID  Jamaal  Cali Xuseen oo iyaguna madashaasi ka hadlay ayaa iska daba marey ahmiyhada ay kuliyadani  uleedahay guud ahaana dalka waxaana ay ugu baaqeen cid kasta oo ay qusayso kana qayb  qaadato sidii ay u horumarin lahaayeen kuliyada .

Gaba-gabadii oo uu munaasibadaasi soo afmeeray hormuudka kuliyadaasi, ayaa waxaa uu balan qaaday in ay ka kuliyad ahaan ay ku dadaali doonaan  inay  soo saaraan arday aqoon buuxda u leh culuumta beeraha.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa