Jaamac Shabeel oo ka hadlay Aragtidiisa ku aaddan Qaabkii loo maray Xalinta Khilaafka Kulmiye iyo Cidda u taagan Murashaxnimada Xisbiga

Shabeel1Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Cismaan, ayaa rejo wanaagsan ka muujiyey in xalinta khilaafaadkii ka dhex-aloosnaa xisbiga dhexdiisu ay daawo u noqdaan dib-u-dhacyo tiraba dhow jeer dib-u-riixay qabsoomidda Shirweynaha Xisbiga, isla markaana uu shirweynuhu ku qabsoomi doono xilliga rasmiga ah ee loo muddeeyey oo ku beegan 22 Bisha March ee sannadkan.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye oo xog-waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya uu la yeeshay wariye ka tirsan Wargeyska Himilo, waxa uu sheegay inaanay wakhtigan xisbiga gudihiisa ka jirin caqabado mar kale horseedi kara inuu wakhtigiisa ka baaqdo shirweynaha Xisbiga Kulmiye, wakhtiganna lagu mashquulsan yahay u-diyaar-garow loogu jiro qaban-qaabada shirweynaha.

Guddoomiye Jaamac-Shabeel waxa uu dhinaca kale ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha qaabkii loo maray xalinta xurguf kala-irdhaysay madaxda Xisbiga iyo qorsheyaasha uga yaala haddii uu jiro murashax xisbiga gudihiisa laysla waafaqsan yahay inuu ugu tartamo doorashada madax-tinimada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto daba-yaaqada sannadka soo socda.

Ugu horreyn isaga oo ka hadlayey aragtidiisa ku aaddan qaabkii loo maray dhex-dhexaadinta khilaafkii u dhexeeyey dhinacyadii ku kala qaybsamay siyaasadda xisbiga, waxa uu yidhi, “Marka arrin cid dhex-dhexaadisa loo saaro ee la yidhaah arintaa soo xaliya, ciddaasi waxay ka fekertaa waxa ay isleedahay way ugu haboon tahay. Guddiganina in badan bay shaqaynaysay, dedaal badan wey gashay. Xalkan ay soo dhigeena waa kii ay danta moodeen, dhinacyadu waa ay wada aqbaleen.”

Jaamac-Shabeel oo la weydiiyey rejada ay xisbi ahaan ka qabaan shirweynaha Xisbigu inuu ku qabsoomo wakhtiga loo muddeeyey maadaama oo la xaliyey khilaafkii sababay inuu dhowr jeer oo hore shirweynuhu dib u dhaco, waxa uu sheegay inaanay jirin caqabad wakhtigan hortaalla qabsoomidda Shirweynaha, isla markaana lagu gudo-jiro diyaar-garow lagu qaban-qaabinayo inuu shirkaasi ku qabsoomo xilliga loo asteeyey oo ku beegan 22 bisha soo socota.

In kasta oo la hadal-hayo inuu madaxweyne Siilaanyo mar kaliya diyaar u yahay murashaxnimada xisbiga Kulmiye, haddana Mr Jaamac Shabeel oo la weydiiyey Cidda rasmi ahaan loogu asteeyey murashaxnimada madaxweynaha ee Xisbiga ugu tartamaya doorashada la filayo inay ka qabsoonto dalka dabayaaqada sannadka 2015-ka, waxa uu sheegay inaanay jirin cid ilaa wakhtigan laysla oggol yahay inay xisbiga u metesho tartanka madaxtinimada, isaga oo ku dooday in shirweynaha Xisbiga lagu dooran doono oo kaliya hoggaanka sare iyo golaha Dhexe ee xisbiga balse go’aanka rasmiga ah ee arrintaas la xidhiidha lagu astayn doono shir ay isugu iman doonaan Golaha Dhexe ka dib marka uu qabsoomo shirweynaha Xisbigu.

XIGASHO: Himilo