Jaalliyada Reer Somaliland Ee Dalka Jarmalka Ayaa Munaasibad Sagootin Ah U Sameeyay Wasiirka Deegaanka

Frankfurr, (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Arrimaha Reer Miyiga Marwo Shukri X. Ismaaciil Baandare, ayaa shalay gelinkii dambe ka amba-baxday magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka, halkaas oo jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqani munaasibad sagootin ah ugu qabteen ka hor intii aanay ka soo amba-bixin garoonka diyaaradaha ee magaalada Franfurt.downloadfile

Marwo Shukhri Xaaji Baandare, ayaa waddanka Jarmalka soo gaadhay Todobaadkii hore, waxaanay jaaliyadda Somaliland eek u haqan dalkaas kala-qayb-gashay Sannad-guuradii 24aad ee Xuska maalinta 18-ka oo lagu qabtay magaalada Gross Gerau 17-kii bisha May, iyada oo xafladda lagu maamuusay xuska maalinta madax-bannaanida Somaliland ay ay soo abaabuleen Ururka Dhalinyarada rer Somaliland Ee ka dhisan wadankan Jarmalka ee loo soo gaabiyo (S.Y.D.A). Xafladan oo loogu magac daray” Xaflada Qaranka ee Qarniga” waxa ay kusoo dhamaatay rayrayn iyo farxad.

Wasiiradda oo ku sugnayd wadanka jarmalka muddo Todobaad ah ayaa waxa ay la kulantay dhiggeeda Wasaaradda Deegaanka ee Wadanka jarmalka Xarunteeda Magaalda Bonn.

Aqoonyahaynka iyo waxgaradka jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan waddanka jarmalka ayaan u kala hadhin Soo dhawayntii iyo Sagootinta Wasiiradda . Aqoonyahanadda ahna Abwaanadda wayn ee Marmo : SAHRA CAYDIID ayaa si balaadhan uuga qayb qaadatay  soo dhawanytii wasiiradda .

Waxa isna si balaadhan uga qayb qaatay soo dhawayntii iyo sagoontintii Wasiiradda Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland Ee wadka jarmalka Mudane Maxamed Xuseen Dhacasay.

Somalilandpost.net