Jaaliyadda Somaliland ee South Sudan oo Hoggaan cusub loo doortay

Juba, (SLpost) – Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Juubba ee dalka Koonfurta Suudaan ayaa dhowaan doortay guddoomiye ka shaqeeya danaha jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi.

Shir magaalada Juba ka dhacay 3-dii bishan December ee 2011 ayaa waxaa guddoomiyaha jaaliyadda reer Somaliland ee Koonfurta Suudaan loo doortay Farxaan Ciise Jaamac (Jaamac Dollar).

Sida uu ku soo warramay weriye Axmed Xuseen Dakharre oo ku sugan magaalada Juubba ee Koonfurta Suudaan waxa ay jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaasi sameysatay urur kaddib markii Xukuumadda Somaliland ka caga-jiidday safaarad ay waddankaas ku yeelato.

Weriyuhu waxaa uu intaas ku daray oo uu tilmaamay in maanta oo Sabti ah uu guddoomiyaha cusub ee la doortay safar ku iman doono magaalada Hargeysa si uu xukuumadda Somaliland uga sameysto waraaqo, isla markaana uu uga codsado in ay jaaliyadda ka caawiso arrimaha u baahan fududeynta iyo shuruucda ay tahay in ay jaaliyaddu ku dhisnaato.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net