Jaaliyada Reer Somaliland Ee Minnesota Oo Casho-sharaf U Sameeyay Af-hayeenka Madaxtooyada

Minneapolis, (SLpost)- Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul oo ku guda jira safarkiisi uu ku maraayey wadama Canada iyo Maraykanka ayaa waxa Xaflad Casho Sharaf ah u sameeyey jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Minnesota.Dhuxul

Kulankan ay wada qaateen Afhayeenka iyo Jaaliyadu ayaa daarnaa kuna salaysnaa Sagootinta masuulkan qaran iyo xog-waran, dardaaran iyo wada tashi dhex maray jaaliyada iyo afhayeen dhuxul.

Shacbiga Somaliland ayey caadadooda tahay sooryada iyo ixtiraamka, qadarinta ay marwalba ku qaabilaan masuuliyiinta qaranka Somaliland ee safarada shaqo ku taga wadamada ay ku dhaqan yihiin jaaliyadaha reer Somaliland, ee ay marwalba ka muuqato wadaniyada iyo geesinimada ay u hayaan dalkooda hooyo iyo wadankaba.dhuxul1

Mudane Axmed Saleebaan dhuxul oo intii uu ku sugnaa wadamadaasi aan kor ku soo sheegay jaaliyadaha somaliland kala kulmay soo dhawayn diiran ayaa u mahadnaqay shacbiga somaliland meel ay joogaanba gar ahaana intii ay wakhtiga wada qaateen ee ay ku kulmeen wadamaas, isaga oo og-waran dheer ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo dadkaba intii uu la kulmay, isaga oo ka dhegeystay jaaliyadaha talooyin iyo waano wadani-nimo.

Guntii iyo gebogabadii safarka afhayeenka Somaliland ayaa ku soo dhamaaday jawi farxadeed iyo wada tashi ay ku dheehan tahay qadarin iyo iskaraamayn walaaltinimo oo ay wada yeesheen shacbigii qurbaha ku dhaqanaa iyada oo dhawaan la filaayo inuu dalka ku soo laabto afhayeenku.

Somalilandpost.net