IVORY COAST: Madaxweynaha Oo Mar Labaad La Doortay

Yamoussoukro (SLpost)Madaxweynaha dalka Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa ku guulaystay markii labaad madaxweynenimada  doorashada dalkaasi, isagoo ku guulaystay siddeetan iyo saddex boqolkiiba codka la dhiibtay.

 

Doorashada oo ah tii ugu horaysay tan iyo doorashadii 2010, waxaa natiijada doorashadii 2010 ka dhashay dhimashada 3,000 qof kadib markii madaxweynihii wakhtigaasi diiday inuu xilka ka dego.

 

Dhowr mucaarad ayaa ka baxay doorashada sanadkan iyagoo ka cabanaya inaanay doorashada ku dhacay si xor iyo daacad ah.

 

Laakiin kormeerayaasha ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida ay doorashada u dhacday. Mr Ouattara oo u shaqayn jiray IMF ayaa ku ololeeyay doorashada inuu dhaqaalaha Ivory Coast sare u qaadi doono, iyadoo Ivory Coast ay tahay waddan soo saara Cocoaha ugu badan adddubka.