Itoobiya oo Xuduudeeda Ka soo Tallaabisay Wabar

 

 

Hargeysa(SLpost)-  Dagaal-Ooge Abiibakar Cilmi Wabar ayaa Muuqaal uu iska soo duubay ku sheegay inuu soo galay gudaha Somaliland. Wabar oo ah Suldaan ka falaagoobay Somaliland, islamarkaana maleeshiyo ku haystay xuduuda Somaliland iyo Ethiopia ayaa sheegay inuu shalay ka badbaaday qorshe lagu qabanayay, islamarkaana Ethiopia amartay inuu dalkeeda ka baxo.

 

“ Shalay Shirqool fool xun oo na loogu talo galay in nalagu waxyeeleeyo  Illaahay mahadii waanu ka badbaadnay. Shirqoolladuna meeshii siyaasadi ka jirto ama talo la isku hayaa ka jirto way ka dhacaan, in laga digtoonaado oo laga tashado uun baa muhiim ah. Waanu ka badbaadnay ee sidaas Ogaada,” ayuu ku yidhi Muuqaalka Wabar iska soo duubay oo u muuqda inuu dadka taageera u dirayay.

 

Isagoo sii hadlaya waxa uu sheegay inuu qaatay amar Ethiopia laga siiyay oo ah inuu dalka ka baxo “Dhinaca Ethiopia ee xuduuda qarka Ethiopia ka xiga  dadkayga ugu badan ee I doortay ayaa deggan(Yaala), waanan joogi karaa. cid igu qabsata inaan ka tagaana cid gardaran weeyaan. Amar khaldan oo dawlad weynta Ethiopia aan ka soo fulin ayaa shalay qaybo ka soo fulay, waanu qaadanay amarkii xuduudana waanu dhaafnay oo qaybta kale(Somaliland) ee la iga doortay ayaanu tagnay.

 

Illaahay mahaddii maalinta aan doonana waan ku noqon karaa Ethiopia, sidaasi awgeed, nimankii moodayay inaan ka maqnaan karo Ethiopia ama la iga kaxayn karo way arki doonaan anigoo jooga. Haddaan magaalooyinka Ethiopia degana illaa Addis Ababa ayaan mari karaa degi karaa oo dadkaygu degan yahay,” ayuu ku calaacalay Wabar.

Dawladda Ethiopia ayaa la sheegay in shalay ay ciidamadeedu hawlgal ka fuliyeen degaanka Awbarre ee gudaha Ethiopia kuna  dhaw xuduuda Awdal la leedahay Ethiopia, halkaasi oo kooxda Wabar qaarkeed ay ku qabteen. Arrintan ayaa u muuqata inay hirgalinayso heshiiska labada dal ku gaadheen in ammaanka laga wada shaqeeyo.