Itoobiya oo shaacisay inay bilaabayso dhoofinta Gaaska Dabiiciga ah oo laga helay dhulka dowlad-deegaanka Soomaalida

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inuu Saddexda illaa Shanta sano ee soo socota Waddankoodu billaabayo dhoofinta Gaaska dabiiciga ah, kaddib markii deegaanka Soomaalidu degto ee dalkaaslaga helay keyd ballaadhan oo Gaaska Dabiiciga ahi ka buuxo.

Wasiirka macdanta Itoobiya, Tolossa Shagi ayaa sheegay jimcihii shalay inay rajeynayaan dhoofinta gaaska dabiiciga ah ay ka heli doonaan sannad walba lacag dhan hal bilyan oo doollarka Mareykanka.

Sidoo kale, Tolossa ayaa intaas raaciyay in shirkad laga leeyahay dalka China ay ka heshay deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya cel uu ku jirto gaas dabiici ah oo lagu qiyaasay 4.7 Tirilyan.

“Dalku wuxuu billaabi doonaa dhoofinta shidaalka marka la haqab-tiro baahida gaaska ee Gudaha dalka Itoobiya,” ayuu Wasiirka Macdanta dalka Itoobiya hadalkiisa ku daray, mar uu warfidiyeenka kula hadlayay Xarunta Itoobiya ee Addis Ababa.

Ugu dabeyn, Wasiirka ayaa xusay in ammaanka halka laga qodayo ceelka aad loo adkeeyay, si looga hortago weerarkii dhacay sannadkii 2007-dii mid la mid ah, kaasoo lagu lagu dilay 65 Askari oo Itoobiyaan ah iyo sagaal shaqaale ah oo u dhashay dalka Shiinaha. Kuwaasoo u shaqeynayay shirkad shidaalka baadha oo laga leeyahay Shiinaha.

Si kasta ha ahaatee, Weerarka lagu dilay 74-kan qof ee isugu jiray Shiine iyo Itoobiyaanka ayaa waxaa Mas’uuliyaddiisa Sheegatay Ururka ONLF ee kula jira Dagaalka Xukuumadda Itoobiya.