Itoobiya oo dusha u saartay Dalka Sudan mas’uuliyadda diyaarad ay leedahay oo shalay la Afduubay

afduubaDiyaarad_Geneva1-300x168Geneva (SLpost)- Dawladda Itoobiya, ayaa masuuliyadda afduub loo geystay diyaarad ay leedahay ku eedaysay dalka Sudan oo magaalo-madaxdiisa Khardoum ay sii fadhiisatay diyaaraddani, iyaga oo ku dooday in dadka diyaaradda aftuubay ay ka sii raaceen garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kuna sii jeedday waddamada qaaradda Yurub, ayaa shalay si khasab looga dejiyey magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland, iyada oo cidda falkaas afduubka fulisay lagu sheegay kaaliyihii duuliyaha diyaaradda oo markii uu ka degay diyaaradda magan-gelyo weydiistay dawladda dalkaas.

Haseyeeshee, dawladda Itoobiya ayaa falkaas ku tilmaantay mid ay fuliyeen argagixiso diyaaraddooda ka sii raacday dalka Suudaan.

Afhayeen u hadlay xukuumada Itoobiya oo lagu magacaabo Redwan Hussein, ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters in duulimaadka diyaaradda oo ku sii hakaday caasimada Sudan ee  Khartoum uu filayo in afduubaha ama afduubayaal ka sii raaceen.

“Ma garanayno halka ay ka yimaadeen iyo caddadka tiradooda, laakiin, waxay u muuqataa in afduubahu ama afduubayaashu ka fuuleen diyaarada magaalada Khartuum,” ayuu Redwan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, markii booliisku sheegay inay xidheen afduubihii.

Booliiska magaalada Geneva ayaa la sheegay inay xidheen kaaliyaha duuliyaha diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya, taas oo shalay afduub khasab lagu fadhiisiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Geneva.

Sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay booliska, kaaliye-duuliye aan magaciisa la shaacin, una dhashay dalka Itoobiya, ayaa soo xidhay qolkii hagidda diyaarada xilli duuliyahii diyaaraddu xamaamka galay, isla markaana afduubay diyaarada, isaga oo markii uu fadhiisiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Geneva magangelyo qaxootinimo ka dalbaday dalkaasi  Switzerland.

Ninkan oo la sheegay in ciidamada booliisku su’aalo weydiinayaan ayaa markuu fadhiisiyey diyaardada ku soo degay xadhig, ka dibna isku dhiibay booliiska.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa xaqiijisay in duulimaadka diyaaradahooda midkood si khasab ah loogu leexiyey magaalada Geneva, isla markaana dhamaan rakaabkii nabadqabaan.

Duulimaadka diyaaradan oo aroornimadii shalay ka soo duushay caasimada Itoobiya ayaa qorshaheedu ahaa inay fadhiisato garoonka magaalada Roma, ee Talyaaniga, balse loo leexiyey magaalada Geneva, sida uu sheegay afhayeenka booliisku.

Xeer-ilaaliye magaalada Geneva Olivier Jornot ayaa cadeeyey in xukuumada Switzerland baadhitaan ku samaysanso sababaha afduubkan, isla markaana la filayo in lagu rido xukun xabsi gaadhaya ilaa labaatan sannadood.

SOMALILANDPOST.NET