ITALY: Magaca Mukhalas Soomaali Badan Haligay oo lagu xukumay Xabsi ka badan Rubuc Qarni ah

Palermo (SLpost)- Maxkamad ku taal magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga, ayaa xabsi gaadhaya soddon sannadood ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu eedeeyey inuu masuul ka ahaa doon ay la socdeen dad tahriibayaal ah oo ku dhintay badda Mediterranean sannadkii 2013.

Maxamuud Muxidiin Cilmi ayey ciidamada Talyaanigu qabteen xilli uu isku dhexqarinayey dad ka badbaaday doontii uu ku tahriibinayey oo saddex boqol ku dhinteen, ka dib markii lagu wargeliyey inuu ahaa ninkii ka soo qaatay lacagta tahriibayaasha.

978c0af1Booliiska Talyaaniga ayaa sheegay in ninkan la xukumay uu ka soo qaatay saddex kun qof walba tahriibayaashii uu doonta ku soo qaaday, isla markaana uu kufsi ugu geystay intii badda lagu jiray haween toban ka badan.

b6504d4e“Waa natiijadii sababtaa in xabsi gaadhaya soddon sannadood lagu ciqaabo, fursada kaloo ii banaanayd ma jirin,” ayuu sheegay garsoorahi maxkamadu, isaga oo intaas ku daray, “Tani waxay tusaale qadhaadh u noqonaysaa kuwa dadka tahriibiya iyo dembiilayaasha.”