ISTANBUL: Ardayda iyo Jaaliyadda Somaliland ee Turkiga oo Wacdaro ku muujiyey Xuska 22-guurada Maalinta Qaranimada (SAWIRRO)

istanbul5

Istanbul (SLpost)- Munaasibad si ballaadhan loo soo agaasimay oo  ay soo qabanqaabayeen Ardayda wax ka barata iyo Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Turkiga, ayaa xalay ka dhacday magaaladda Istanbul ee dalkaas.

Munaasibadan oo lagu xusayay maalinta madaxbaanidda JSL oo ku beegnayd maalintii  18 May 2013, ayaa waxa ka soo qaybgalay dadwayne aad u badan oo iskugu jiray arday, jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay gudd. Qabanqaabada xafladda ahna gudd. Ardayda  wax barata Turkeyga Maxamed Jaamac Cali, oo ka warramay qaban-qaabada munasibadda iyo muddada ay ku qaadatay qabsoomiddedu, waxaanu u mahadnaqay dhamaanba ciddii ka qaybqaadatay abaabulkii xaflada, Isaga oo sheegay inaanay haba yaraatee cidi ka caawin kana taakulayn marka laga reebo guddoomiyaha Garabka haweenka Xisbiga UCID ee UK Marwo Farduus Cige oo  ayadu uga timi ka-qayb qaadashada xafladda dalkaasi UK, si baaxad lehna uga qayb-qaadatay qabsoomidda munaasibaddan.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Turkey Siciid Aadan Daahir ayaa isna ka warbixiyay taariikhda maalintan iyo halgankii loo soo maray dib-u xoreyntii Somaliland, isaga oo sheegay inaanay dalku ahayn dal imika ku soo biiray caalamka balse yahay waddan hore u jiray isla markaana adduunku ogyahay.

Muj. Cabdilaahi Maxamuud Saleebaan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inaanay maalintani ku iman si fudud, Loona baahan yahay in sidan iyo si ka sii waynba loo xuso waajib inaga  saaran  yahay.

Waxa kale oo iyaguna goobta ka hadlay Sayid Saleebaan, Maxamed Muuse iyo Salma Cabdi oo ka mida arday Somaliland ee dalka Tukey wax ka barata.

Suleyman Akay oo ka mid ah gacasatada ugu waawayn dalka Turkey oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ka waramay xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay Somaliland iyo dawladii Cusmaaniyiintii, ilaa maantana  uu jiro xidhiidhkaas iyo walaaltinimadii labada dal ka dhexeysay.

Gabagadii xafladda, waxa ka hadashay gudd. Garabka haweenka xisbiga UCID ee UK Farduus Cige Xassan, oo xafladan uga timi dalkaasi si ay uga qaybqaato, iyada oo ka warrantay maalintani qiimaha ay ugu fadhido shacabka reer Somaliland, sheegtana inay kumanaan halyey u nafwaayeen calankan ay shacabka Somaliland hoos hadhsanayaan, waxaanay ardayda ku boorisay inay dalkooda iyo dadkooda wax u soo bartaan.

Somalilandpost.net

Isntanbul/Turkey