Israel Oo Booliskeeda Siisay Awoodo Ay ku Hagardaamaynayaan Falastiiniyiinta

 

Qasa(SLpost)- Israa’iil ayaa waxay ciidankeeda booliska siisay awood ay  xadidaad ugu soo rogi karaan qeyba ka mid ah bariga magaalada Qudus, kaddib markii dhawaantan ay Falastiiniyiinta ka gaysteen halkaasi mawjado  weerrarro ah oo ay Yuhuuda ku beegsadeen.

 

Waxaa la sheegay in mas’uuliyiinta ay burburin karaan guryaha Falastiiniyiinta weerrarka ku soo qaada Israa’iiliyiinta, sidoo kalena ay ka qaadi karaan xaqa ay u leeyihiin in ay ku noolaadaan magaalada Qudus.

 

Ra’iisul wasaare, Benjamin Netanyahu, ayaa Isagoo ka hadlayay baarlamanka Israa’iil, waxa uu sheegay in dowladiisa ay sameyn doonto waxkasta oo macquul ah oo ay ku soo celin karto kala dambeynta.

 

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa waxa uu digniin culus ka soo saaray mowjadaha deganaansho la’aanta ah ee ka taagan Israa’iil iyo dhulka Falastiiniyiinta.

Saddex Israa’iiliyiin ah ayaa weerradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Qudus lagu dilay Salaasadii.

 

Korodhka qalalaasaha ayaa yimid kaddib xiisado ka dhashay booqashada masjidul Aqsaa, Yuhuudana ay u yaqaanaan Temple Mount, xiisadahaasi oo todobaadya taagnaa, kadib markii la xadiday tagitaanka Falastiiniyiinta ee Masjidka.

Mr Kerry, xoghayaha khaarajiga Maraykanku  waxa uu sheegay in ay tahay in la joojiyo qalalaasaha.