ISQURXIN QOOMAMO KA DANBAYSO!

Caafimad ku waa nimco aan la wada helin , halka Calafkuna ka yahay shay aan xoog iyo xeelad toona lagu kala qaadin.  Hadafkaga , himiladaada iyo hiigsigaaga nololeed ba waxay xidhiidh toosa la leeyihiin ama ku xidhan yihiin Caafimad kaaga; Quruxdaada ama qaabkaaga jidh ahaaneed wuxuu macne buuxa kuu sameeyaa inta aad Cadur ka fayowdahay.

Melanin waa maado uu soo daayo unug ka mida unugyada jidhku oo loo yaqaan  Melanocytes,  Shaqada ay qabato maaddadani ayaa ah  inay midabka siiso Maqaarka , indhaha iyo timaha.

Shaqadeeda kale ee muhiimka ahna waxay tahay Inay inaga difaacdo falaadhaha cadeeda kuwa ugu xooga badan ee la yidhaa (Ultraviolet) . Haddii falaadhahaasi toos u abaaran maqaarkeena waxay sababaan cudur ka mida cudurada ugu waawayn aduunka qaybtiisa ku dhacda maqaarka, kaasoo ah Cancer  (Skin cancer) .

Curiyaha loo yaqaan Mercury waa curiye ka mida curiyeyaasha Sunta aha ee dhulka hoostisa laga helo.  Haddii uu jidhka Aadamaha galo waa mid aanay sinaba ku suuro gal ahayn ka bixidiisu . Haddaba haddii uu ku bato jidhaka wuxuu wax yeelaa . Shaqo joojina ku keena Kalyaha iyo beerka (renal and liver failure), waxaanu ugu danbayn jidhka ku keena cuduro dhaawac wayn ku keena oo uu qofku u dhiman karo.

Haddii aan u soo dhaadhaco miida, macnaha iyo murtida uu maqaalkayagani xambaarsanyahay dhibaatada ay leeyihiin dawooyinka dhallan gadiya midabka jidhka kaas oo ay hablaheenu isticmaalaan si ay diirkooda madow ugu badashaan mid ka duwan oo cadaan ama casaan ah, waxaynu dhinacyo dhawr ah ka eegi doonaa dawooyinkan iyo saamantooda qofka ay ku yeelan karaan.

DAAWOOYINKA aad ka dayayso quruxda amaba cadaaanku waa kuwo joojiya soo saarida maadada Melanin-ta. Cilmi baadhis lagu sameeyay USA waxa Dhakhaatir khibrad u leh  iyo haayadaha caafimadka Aduunku ogaadeen inay daawooyinkasi ka kooban yihiin xaddi faro badan oo ah Curiyaha Mercury-ga.

Cuduradaa khatarta ahi markay dadka Eebbe ku keeno wuxuu uga dhigaa imtixaan waayo Illaahaybaa inoo sheegay inaanu qoomna dhallan gadiyin ilaa ay iyagu is dhallan gadiyaan mooyaane.

Ka waran haddii aad  noqoto qof yidhi kuma kalsooni Abuurka Alle (SWT).  Oo meesha ka saaray aayado quraana oo badan kana mid tahay aayadani. (  oo macneheedu tahay (dadka waxan u aabuurnay sidii ugu quruxda badnayd), taas oo inoo cadanaysa in Illaahay (SWT) uu qof walba u abuuray sidii ugu haboonayd ee uu ku soo baxayay, Abuurka Illaahayna aanu ahayn mid fool-xun, Inaad midabkii Alle kuu abuuray kuuguna talo galay dhallan rogta waa dhibaato wayn oo danbigeeda leh aakhirana lagaa xisaabin doona Aduunkana lagaaga jari doono ciqaabteeda aad mutaysatay oo ay u horeeyaan cuduradaas aad adigu gacantaada ku kasbatay lacagtaadana u quudhay.

Miyaad jeceshahay inaad Ifka aad ku noolaato caarcaar (Dhibaato iyo silic) aad adigu gacantaada iskugu gaysatay oo aanad sinaba uga soo kaban Karin;Akhiro iyo xisaabteeduna ku sugayso?.

Dhibaatooyinka Caafimaad ee ay sababaan Dawooyinkani:

Kansarka maqaarka ku dhaca ayay dawooyinkani horsed u noqdaan

Jidhka oo yeesha boogo madmadow iyo finan

Dhaawacyada jidhka ku dhaca oo aan bogsan sababtana mararka qaarkood xanuunka GAANGARIDA

Kala duwanaanshiyo dhinaca midabka maqaarka ah oo foolxumo horseeda

Qofka oo jidhkiisa la moodo mid gubtay

Coodhcoodh iyo gabow degdeg ah oo lagu arko qofka

Jidhka oo difaaciso yaraado kaas oo u nuglaada dhibaato kasta oo ay ugu horayso falaadhaha cadceedu

Ur aad u qadhmuun oo qofka jidhkiisa ka soo urta waqtiyada uu dhidido ee uu cadceeda maro iyo waqtiyada uu shaqada qabtaba

Qalayl marqaarka ah

Dhuubni ay dhuubtaan xubnaha qaarkood sida Cagaha, gacmaha.

Kansarka dhiiga raaca oo ay sababto bacda lagu xidhxidho jirka marka la mariyo dawooyinkan

Xiiq uu qofku yeesho iyo dhaawac ku yimaada kalyihiisa iyo beerkiisaba

Dhibaato caafimaad oo xaga dhalmada ah oo ay hooyada isticmaasha kala kulanto waqtiga dhalmada iyo waqtigay Uurka leedahayba

 

Waxyaalaha inta badan ay ku andacoodaan amaba ku sababa Habluhu inay isticmaalaan Dawooyin kimikaal ah

1: Kalsooni darro: Hablahani waa kuwo aan ku qancin caynkii iyo caynadii suubaynayd ee Illaahay u abuuray, kuwaas oo cuqdad nafsi ah ka qaaday midabka diirkooda madow taas oo ay u hordeeday kalsooni darro ay aamintayba inay tahay qof liita.

2: Inay Calaf ku raadsadaan: Maadaama ay raggii Soomaaliyeed noqdeen kuwo intoodii badnayd nolosha ka dhacsan oo aan dabari Karin, waxa khasab noqotay inay dumarkii u baratamaan intii yarayd ee wanaagsanayd guurkana diyaarka u ahayd, taas oo dumarkani miciin bideen inay is dhallan gadiyaan oo ay diirka iska qaadaan, aaminayna inayna inay raggu ku qiimaynayaan midabkooda ee aanay dabeecadooda iyo habdhaqankooda ku qiimaynayn.

3: Fahan la’aan: Qaar ka mid ah Dumarka isticmaala dawooyinkan kimikaalka ah waxay jahli kaga suganyihiin oo ay mooganyihiin dhibaatada baaxad leh iyo saamaynta mustaqbal ee ay ku yeelanayaan dawooyinkani, taas oo iyana aynu odhan karno waa qoddob muhiim ah oo sababa isticmaalka dawooyinkan, waxa sidoo kale jira kuwo iyagu og dhibaatadeeda laakiin la qabsaday oo ay maskaxdooda qabsatay dawadani, isticmaalkeediina iska dayn kari waayay kuwaas oo si nafsiyana saamayn ugu yeelatay (Psychological)

4: Wacyigelin la’aan: Wacyigelintu waa waxa ugu muhiimsan ee qof ama ummad lagu horumarin karo lagagana badali karo caado iyo dhaqan xun oo ay leeyihiin, wacyigalin la’aantu waxay sababtaa inay dadku si indho la’aan  ah ugu dhacaan falal aan u fiicnayn iyaga oo aan dareensanayn dhibaatada kaga iman karta.

Sida aan xalka u arko:

1:  Inay gabadhu ogsoonaato in Illaahay (SWT) uu u abuuray sidii ugu quruxda badnayd oo haddii ay midabkeeda badasho uu Illaahay ugu cadhoonayo aakhirana kula xisaabtami doono. Illaahay inaad ku caasido waxaad makhluuqiisa ku raali galisaa waa danbi aad u culus.

2: Kalsoonidu waa waxa ugu muhiimsan ee qof haysto, waayo haddii aanad kalsooni lahayn noloshaadu mid caddiban oo cidhiidhiya, inaad midabkaaga ku kalsoonaata oo aad raali ku ahaata waa calaamadaha lagu garto qofka kalsoonida leh.

3:Waxa la ogaaday in ninku marka uu guurdoon yahay ee ay ka go’antahay inuu guursado uu doorbido inuu guursado gabadh akhlaaq leh oo dhaqi karta ee aanu muhiimada saarin nooca, midabka iyo dhaldhalaalka wajiga.

4:  Wacyigelintu waa shayga ugu awooda badan ee aynu u adeegsan karno, dhibaatadan inaynu ku baabiino oo aynu kaga hor tagno. In Culimada iyo dadka saamaynta ku leh bulshadu ay ka hadlaan oo ay mawduucyo badan ku qabtaan jaamacadaha iyo Dugsiyada.

5: In dawladu ka yeelato siyaasad lagu yaranayo ganacsatadu inay waddankeena keento ugu danbayntana joojiso.

Baadhitaan iyo xog ururin  aanu  samaynay aniga iyo dadyow kale oo aan iska kaashanay,  kaas oo aanu ku eegaynay dookha midab ee ay raggu jecelyihiin, waxaanu  waydiinay  100 wiil oo ku nool dhulalka kala duwan ee ay soomaalidu dagto taas oo ay nooga soo baxday natiijadani

1) Casaan : 6 qof

2) Cadaan :  4

3) Maariin : 60

4): Madaw : 30

 

Natiijadan waxaynu ku saadaalin karnaa in ragga badankoodu aanay jeclayn midabka cas taas oo burinaysa marmarsiyihii ahaa ragga ayaa sabab u noqday markii ay gabadh cas mooyee gabadh kaleba eegi waayeen.

Ugu danbayn, waxaan leeyahay midabka uu Illaahay kuu dhaliyay casaan, cadaan iyo madow kuu doono ha ahaadee inaad ku kalsoonaataa waa waajib uu Illaahay ina faray inaan abuurtiisa la dhallan gadiyin ee sidaas ay tahay loogu qanco.

Ku kasloonoow midabkaaga kaas ayaad ku heli doontaa qof wanaagsan oo nolosha kula wadaaga iyo nolol raaxo leh oo bilaa dhibaato ah.

Mid kaliyaatana is waydii oo bal u fiirso, Ninka kugu raaci waaya asalnimadii uu Illaahay kugu abuuray ma u malaynaysaa inuu kugula joogi doona amaba se kugu raaci doono midab samays ah oo cuduradiisa wata?

Alle xaq hayna waafajiyo