“Ismaan lahayn Midhihii UCID ayey Cid kale goosan doontaa…” Xildhibaan Naasir Yuusuf Cismaan (Qodax)

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo u sharraxan jagada guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee shirguddoonka wakiillada, ayaa sheegay inaanu waligii ku fekerin in midhaha Xisbiga UCID oo uu muddo 20 sanno ka badan ku soo tabcayay ay goosan doonto cid kale oo aan meel u soo marin.

Xildhibaanka oo ka mid mudaneyaasha xisbiga UCID ugu soo baxay Golaha Wakiillada, ayaa markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada kaddib shaaciyey inuu u sharraxan yahay Jagada shir-guddoonka Golaha Wakiillada, haseyeeshee, waxa hankiisa mansabka shir-guddoonka meesha ka saaray heshiis dhexmaray labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani oo samaystay isbahaysi ay ku doonayaan hanashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo u soo sharraxeen xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif oo Xisbiga Waddani ka soo baxay, kaas oo Gudoomiyaha golaha kula loolamaya Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo xisbiga Kulmiye u sharraxay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Xildhibaan Cabdinaasir Qodax oo hadal ka jeediyay munaasibad Xisbiga KULMIYE maanta Hargeysa ugu sameeyey 11 Xildhibaan oo Xisbiga UCID laga soo doortay oo Isbahaysi la samaystay KULMIYE, ayaa sheegay inaanu filayn in midhihii UCID beeray in KULMIYE goosto, waxaanu xusay inuu soo dhaweyn ka helay dhinaca xildhibaanada KULMIYE, taasina ay keentay inay labada dhinac ku heshiiyaan dhismaha shirguddoon labada Xisbi.