Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay Sababta ku kalliftay inuu Markii Shanaad Isu Soo Sharraxo Xilka Madaxweynaha

 

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa lagu wadaa in uu markii shanaad u tartamo xilka Madaxweynaha dalkaas oo uu soo hayay tan iyo 1999, iyadoo la filyay in uu marka isaga fadhiisanayo doorashada.

Madaxweyne Geelle oo Shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC ayaa sheegay in sababta uu markii shanaad isku soo sharraxay tahay rabitaan ka yimid dadka reer Jabuuti oo sida uu hadalka u dhigay ku khasbay in kursiga banaynin ee uu mar shanaad isku soo sharraxo xilka Madaxweyne-nimo.

”Annaga oo aan hadlin dadka iyaga ayaaba codsaday in aan mar kale tartamo oo yidhi nala joog oo ha tagin, sidaa daraadeed waxaan go’aansaday in aan tartamo markii ugu danbeysay” ayuu yidhi Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Janhuuriyadda Somaliland Md. Ismaaciil Cumar Geelle, dalka Jabuuti xukumayey illaa 1999-kii oo loo doortay Madaxweyne, markana waa markoii shanaad uu u tartamayo xilka Madaxweyne-nimo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net