Islaamku waa kitaaabka Alle iyo sunnada Nebiga scw

 

1- Kitaabkii garannoo waa Quraanka. Markii uu soo degayey iyo dabadeedba dad ayaa beeniyey oo ku sheegi jiray sheeko baraley. Ninkii ugu dhibka badnaa wakhtigii Nebiga scw wuxu ahaa nin suugaanyahan ah oo sheekooyinka ku fiicnaa oo la odhan jiray Nadar Binu Xaarisa. Laakiin Isaga iyo wixii ka dambeeyey oo dhami way ku fashilmeen, saa Quraanku waa mucjiso

2- Sunnada nebiguna scw waa hadallladiisi, ficilkiisii iyo wixii agtiisa lagu samaynayey ee aanu diidin. Tusaale ahaan Quraanka sharrixiddiisa, dhaqangelintiisa, salaadda sida loo tukanayo, sida loo waysaysanayo, sida loo maydhanayo, sida loo xajayo, sida Sekeda loo bixinayo, sida maydka loo aasayo ama loo maydhayo, sida la isu guursanayo, sida la isu furayo, haddii dhaawacyo dhacaan sida la isu xaqayo, Sida Eebbe loo xusayo, sida loo ducaysanayo. Sida wax loo kala iibsanayo iyo mucaamalaadka bulshada oo dhan. Sida loo kala garbaxayo haddii la is qabsado. Waxaas oo dhan xadiisyada Nebiga scw ayaa lagu faahfaahiyey ee Quraanka kuma faahfaahsana.

3- In Sunnada Nebigu scw tahay diin, Quraanka ayey ku jirtaa. In qofkii raaci waaya, ba´ay oo hoogay iyaduna waxay ka buuxdaa Quraanka. Bal ma ku tusaa:

1- Suuratu-naxli waxa ku jirta ayaadd: وأنزلنا إليك الذكر لتُبيّن للناس ما نُزِّل إليهم (النحل:44):oo
Macneheedunwa waxa weeye: “Waxanu kugu soo dejinnay Nebiyoow scw Dikriga (Quraanka), si aad ugu caddayso dadka waxa lagu soo dejiyey”. Markaa haddii aanu Nebigu scw inoo caddayn lahayn ma aynaan fahanneen Quraanka. Bal waataase sidee ayaad u tukan lahayd haddii aanu sunne jirin??

2- Suuratul-axzaabna waxa ku jirta ayaaddan: لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِمَنْ كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيرًا خخ oo macneedu yahay: “Wallee rasuulka Alle waxa idiinku sugan, ku dayasho wanaagsan, waa qofkii rajo ka qaba Eebbe iyo maalinta aakhiro”. Halkaas waxa ka cad in ku dayashada ficilladii Nebiga scw iyo dhaqankiisii ay tahay wax lagu badbaadayo. Sunnaha laguu sheegayaana waa kaas. Waa dhaqankiisii.

3- Suuratu-nuurna waxa ku jirta ayaaddan: فليحذر الذين يخالفون عن أمره أن تصيبهم فتنة أو يصيبهم عذاب أليم oo macneheedu yahay. “Ha is jireen kuwa khilaafaya amarkiisa (amarka Nebiga) oo ha iska jireen inay fidnoobaan ama cadaabi asiibto”. Waxa iska cad in amarrada Nebigu scw ay diin yihiin.

4- Suuratul-axsaabna waxa ku jirta ayaaddan: “( وما كان لمؤمن ولا مؤمنة إذا قضى الله ورسوله أمرا أن يكون لهم الخيرة من أمرهم ومن يعص الله ورسوله فقد ضل ضلالا مبينا ( 36 ) ) oo macneheedu yahay: “Uma habboona nin mu´mina iyo naag mu´minad ah, haddii Eebbe iyo rasuulkiisu arrin xukumaan inay wax kale ka doortaan. Qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa, dhab ahaantii wuu baadiyoobay, baadiyoobid cad”. Xiitaa Qisadii ay ku soo degtayna waaba macruuf.

WALAAL HADDII AANAN KA BAQAYN IN AY KUGU DHEERAATO WAXAN KAAGA SOO QUFI KARAA KITAABKA EEBBE AYAADO INTAN KU DHAWR JEER LAABMAYA OO SIDAAS IYO SI KA DARAN U CADCAD oo Sugaya in sunnaha Nebigu scw diin yahay.

 

Cabdibashiir