ISLAAMIYIINTU WAY IMANAYAAN….HA DIIDO AMA HA YEELO REER GALBEED.

waxay noqdeen ururada islaamiga ahi xoog siyaasadeed oo sharci ah….aynu raali ka noqono ama yaynaan ka noqone”

Weedhahaasi ayuu ko u bilaabay qoraaga reer maraykan (Doyle McManus)maqaal uu ku qoray wargeyska caanka ah ee ka soo baxa cariga maraykanka ee la yidhaahdo “Los angeles times” cinwo aankiisu ahaa “masjidka iyo dawlada”luqada ingiriisida u dhigan”Mosque and state” isagoo carabka ku adkeeyay in islaamiyiinta dunida muslimku arin la taaban karo isagoo ku guubaabiyay reer galbeedka,gaar ahaan wadanka maraykan inuu la yimaado siyaasad cusub oo uu kula dhaqmo iyaga(islaamiyiinta).

waxa uu hadalkiisa ku bilaabayaa:
waxaan laba sanno ka hor ka qayb galay  shir ay isugu yimaadeen saraakiil reer maraykan ah iyo siyaasiyiin islaamiyiin dhalinyaro ah oo ka kala yimid Tunisia,Jordan iyo wadamo kale oo ka tirsan bariga dhexe.
islaamiyiintii waxa ay u baahdeen inay ogaadaan:maraykan ma ogalaan doonaan in islaamiyiintu isa soo sharaxaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo u saamaxda inay awooda gebi ahaanba la wareegaan?iyadoo masuuliyiintii reer maraykana waxay ku celiyeen  suaal ah;islaamiyiintu ma ogolaan doonaan haday guulaystaan inay qabtaan doorashooyin xor ah oo dimuqraadi(kalmad ay dadka muslimiinta ahi karhaan)ah,xataa haday awooda ku waayayaan?

Suaalahaasi waxay iska ahaayeen afka baarkiisa laakin imika way rumobeen.

Tunisiya tusaale ahaan,waxaa la rajaynayaa in islaamiyiintu ku guulaystaan kuraasida ugu badan ee doorashooyinka baarlamanka kacdoonada dabadii,Masar,ikhwaanul muslimiinka waa xooga ugu weyn kooxaha siyaasadda waxa ay diyaariyeen laamo iyaga ka farcama oo leh yool ama higsi islaami ah,Libiya,cidna kama qarsoona kaalinta ay ka qaateen islaamiyiintu kacdoonkii awooda lagaga tuuray Muacamir Al-Qadafi,sidaas darteed waxa muuqata inay kaalin muuqata oo wax ku ool ah ay ka qaataan xukuumad kasta oo loo dhiso libiya.

Waxaa uu qoraagu yidhi:shirkaas waxaan dhinac fadhiyay mid ka mid ah cilmaaniyiinta reer masar Sacadu-diin Ibrahim,isaga oo si cad u kala saaray diinta iyo dawlada(subxaanaka yaa cadiim inaguna keena ku sheega cilmaani waa la isku laayaa reer galbeedna way daliishanayaan kaaf iyo kala dheeri)isaga oo yidhi:waxaa jira islaamiyiin badan oon ahayn dimuqraadiyiin,laakiin suuro gal maaha inaad iyaga u dhamayso,dushaada waxaa saaran ina la macaamisho.

Tanina waxa ay ka mid tahay cabsiyaha maraykan iyo isbahaysigiisuba ay ka qabaan in islaamiyiinta inay dunida muslimka u badelaan mid la mid ah kacaankii ka dhacay wadanka Iiraan oo kale 32-sano ka hor,oo ay ku dheehantahay keli-talisnimo,necbaanshiyo iyo magaca dimuqraadiyadana haysta laakiin aan qaadan mabaadi’deeda.

Iyada oo badi islaamiyiintu aanay ogolayn axsaabta tirada badan ee dhexdhexaadka ah,oo islaamiyiintu ay doonayaan in islaamku noqdo diinta keliya ee rasmiga ah,isla marahaantaasna ay doonayaan in shareecada islaamku saldhig u noqoto xukunka madaniga ah,iyagoo welibana neceh Isarael,iyo weliba siyaasada maraykanka ee ku waajahan Israel.

Intaasi waxa ay ka dhigtay qaar badan oo reer maraykan ah inay u arkaan in islaamiyiinta oo hogaanka qabtaa ay ka dhalata kacdoonadii ka dhacay dunida carabta aanay suuro gal ahayn in lala noolaado,qaar ka mid ah xubnaha congress-ka maraykanku ay soo jeediyeen in hoos loo dhigo kaalmada maraykanku siiyo wadanka masar hadii xukunka ay ku guulaystaan aqlabiyada  IKHWAANUL MUSLIMUUN-ku doorashada baarlamanka ee soo socota.

Laakin sadex dhibaato ayaa jirta ayuu yidhi qoraagu oo hor taagan in la fahmo fikrada:mida koowaad waxa weeye islaamiyiinta oo bilaabay inay yagleelaan awood siyaasadeed oo sharci ku dhisan,ta labaad waxa weeye in loo rajaynayo inay ku guulaystaan doorashooyinka.ta sadexaad uguna dambaysa waxa uu ku sheegay inaanay tagayn oo ay tijaabadooda ka hadhaynin.

Waxa ay noqdaan axsaabta siyaasiga ah ee islaamiga ahi mid ka mid ah dimuqraadiyada ay gaadhay carabtu,sidaas si la mid ah ayaynu arkaynaa Israel oo leh axsaab diineed oo yuhuudi ah,sidoo kale wadanka talyaanigu waxa uu leeyahay xisbiga talada haya ee ah catholic-ga,dadka codka dhiibanaya ee shacabku waxa ay jecelyihiin inay ka dhex arkaan axsaabta siyaasiga ah ee loolamaysa waxa ay rumaysanyihiin.maraykanka laftiisa,inkasta oo aanu ka jirin xisbi diini ah,hadana dad badan oo masiixiyiin ahi waxa ay doonayaan inay yeeshaan axsaab diin ku dhisan.

Waxaa jira cadaymo muujinaya in axsaabta islaamiga ahi marka ay xukunka la wareegaan inay hadidaan dimuqraadiyada isla mar ahaantaasna ay albaabada u laabaan axsaabta cilmaaniga ah ee dhulkooda ka jira(way ku saxsanyihiin islaamiyiintu arintaa qoraagan miskiinka ahi inoo quusinayo).

Daraasad ay sameeyeen laba cilmi-baadhe oo la kala yidhaahdo Charles Kurzman iyo Ijlal Naqvi,kana socday jaamacada maraykanka ku taal ee la yidhaahdo University of North Caroline,waxay daraasad ku sameeyeen 160 doorasho oo ka dhacday oo ka dhacday dunida muslimka isla mar ahaantaasna ay ka qayb galeen doorashada ururo islaamiya,waxay daah-fureen in islaamiyiintu ay ka gaadheen guul wax ku ool ah,intaas waxaa dheer inay ururadii islaamiga ahaa ay wax ka bedel ay ku sameeyeen siyaasadoodii si ay u hantaan taageerayaal badan,waana ta ka dhacday masar oo kale,waxa ay ogaysiisay jamaacada IKHWAANUL MUSLIMUN inay aqbalayso xataa dad aan muslimiin ahayn,sida masiixiyiinta oo kale,waxaana la rajaynaya in dastuurka cusub ee wadanka ingiriiska ay wax ka qori doonaan iyagoo u soo jeediyay reer masar oo dhan inay gacmaha is qabsadaan iyagoo soo jeediyay afkaar islaami ah.

Dadkale oo u dhuun daloola siyaasada dunida muslimka ayaa aaminsan in islaamiyiinta laga qayb geliyo dimuqraadiyada.

Dhanka kale,ilaa imika xukuumada wadanka maraykanka ee uu gadh wadeenka ka yahay Obama ayaa ka fiirsanaysa ururada islaamiyiinta ee ay suuro galka tahay inay xukunka u qabtaan dunida muslimka,wasiiral khaarajiga maraykan ayaa ogolaatay in wada hadal lala sameeyo xubno ka mid ah xarakada IKHWAANUL MUSLIMIIN ee awooda ku leh dalka masar,iyagoo tilmaamay inaanay kooxdani ka mid ahayn kooxaha ka midka ah waxaa uu reer galbeedku u yaqoono argagixisada ama aanay ku jirin liiska ay ugu yeedhaan liiska ururada argagixisada ah,iyadoo aanu kulankaasi ahayn mid heerkiisu sareeyo,sidoo kale,safiirka maraykanka u fadhiya magaalada qaahira gabadha lagu magacaabo,Anne Patterson,ayaa tidhi:”kuma faraxsani fikirka odhanaya wada hadal ha lala sameeyo kooxda ikhwanka.laakin waa aragti gaaban sababtoo ah Ikhwaanka waxaa la rajaynayaa inay qayb ka noqdaan heshiis kaste oo dhex mara Israel iyo Masar,waana mid ka mid ah danaha ugu muhiimsan ee maraykan leeyahay.

Gebagebadii waxaa uu maqaalkiisa ku soo afmeeray waxaa laga yaaba in maraykan aanu ku waafiqin islaamiyiinta wax kasta oo ay yidhaahdaan ama ficil kasta oo ay sameeyaan,sida ay yeelayaan mid kasta oo ka mid ah Russia,China iyo Mexico,mooyaane in islaamiyiintu ay samaynayaan awood jirta ha jeclaysto maraykan ama ha diidee.
Hadii Masar,Tunisia iyo Libiya ay doorashooyin ka dhacaan waxaa hubaal ah in la helo islaamiyiin shareecada u yaqaan distoor.

Waxa soo Tarjumay

Axmed Suleiman Birinbir.
Axmedsm@hotmail.comÂ