Isku-shaandheyn lagu Sameeyay Saraakiisha Ciidamada Uganda Ee Ka Hawlgala Soomaaliya

Kampala, (SLP)- Afhayeenka ciidamada dalka Uganda, Paddy Akunda ayaa sheegay in madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni uu isku-shaandeyn ku sameeyay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.Yoweri_Museveni_of_Uganda

Paddy Akunda ayaa intaas ku daray in Museveni uu taliye ku-xigeenkii hore ee ciidamada Uganda ee Soomaaliya, Nakibus Lakara u magacaabay taliyaha ciidankaas, kaasoo bedeli doona, Col. Dick Olum oo ahaa taliyihii ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM.

“Taliyaha la magacaabay waa shaqsi shaqo adag oo loo tabobaray sida loola dagaalamo argagixisada, hawl culus ayaana hortaalla,” ayuu yidhi Paddy Akunda oo la hadlay warbaahinta dalka Uganda.

Sidoo kale, Yoweri Museveni ayaa u magacaabay Col. John Nsubuga taliyaha guutada 17-aad ee ciidamada Uganda ka hawlgala Soomaaliya, isagoo maanta laga billaabo hawsha la wareegaya, sida uu sheegay Ankunda.

Maaha markii ugu horreysay ee uu madaxweynaha dalka Uganda is-bedel kan oo kale ah ku sameeyo saraakiisha hoggaaminaya ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya, isagoo afhayeenno iyo taliyeyaal ciidan hore iskugu bedelay.

Uganda ayaa waxa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo Uganda ay ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidammo u soo dira Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa waqti ay qaybo ka mid ah dalka ka socdaan hawlgallo ay ciidamada AMSIOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya iska kaashanayaan, kuwaasoo la dagaalamaya Al-shabaab.

Somalilandpost.net