Isku-daygii Afgembi ee Turkiga oo Fashilmay iyo Xaaladihii u dambeeyey (SAWIRRO)

Ankara (SLpost)- Isku-day Afgembi oo ay ku kaceen Koox ka tirsan Saraakiisha sar-sare ee Milatariga dalka Turkiga, ayaa dhicisoobay kaddib markii ay muddo dhowr saacadood ah khalkhal iyo jaah-wareer siyaasadeed gil-gilay dalkaas.

Kooxdan ka tirsan Milatariga dalka Turkiga ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku-haynta talada dalkaasi, iyadoo ay jiraan Askar la dhoobay Jidadka muhiimka ah ee Istanbul iyo Diyaarado joog hoose ku dul-haadaya hawada Caasimadda.

Turkiga (3)Wareegto laga baahiyey telefishanka, ayaa lagu sheegay in Golaha Nabadda (Peace Council) uu hadda gacanta ku hayo talada dalkaas, isla markaana ay jirtay cuno-qabatayn iyo Xukun deg-deg ah.

Haseyeeshee, xarbi badan oo Shacabka iyo Ciidamada dalkaasi kaga hortageen afgembiga kaddib, Raysalwasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegay in la fashiliyey isku-dayga Af-gembi ee ay ku kaceen saraakiisha qaarkood, isla markaana awoodda hoggaamineed ee Ciidamada Qalab-sida uu la wareegay taliyaha Guud ee Milatariga dalkaas Hulusi Akar oo muddadii uu Isku-dayga Afgembi socday Maxbuus ku ahaa Taliska Guud ee Milatariga Turkiga.

Turkiga (4)Waxa uu sheegay in dhamaan taliyeyaasha sar-sare ee Milatarigu gacanta ku hayaan maamulka kala-dambaynta Ciidamada.

Taliyaha Ciidamada Booliska magaalada Istanbul, ayaa sheegay in 104 ka mid ah Askartiisu ku jiraan Ciidamada ka qayb-qaatay Inqilaabka dhicisoobay.

Turkiga (1)Muuqaallo ay baahisay Wakaaladda wararka ee Turkiga, ayaa muujinaya qaar ka mid ah ciidamadii ka qayb-qaatay Isku-dayga Afgembi oo gacanta lagu dhigay. Sidoo kale, Askarta inqilaabka ka qayb-qaadatay qaarkood ayaa Isku dhiibay ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee Milatariga oo Isku xeeray goobtii ay ku sugnaayeen badhtamaha magaalada Istanbul.

Turkiga (2)Dalka Turkiga waxa sidan oo kale tiraba dhowr jeer uga dhacay Afgembi Milatari oo talada lagaga tuuray dowlado doorasho ku yimi talada dalkaas. Afgembiyo Milatari ayaa ka dhacay dalka Turkiga sannadihii 1960-kii, 1971-kii, 1980-kii iyo 1993-kii.