Isku aadka Champions League oo la soo saaray iyo kooxaha Talyaaniga iyo Ingiriiska oo Isku beegmay

LOOLANKA: Xiddigaha Hoggaamin Doona Kooxaha is-wajahaya
LOOLANKA: Xiddigaha Hoggaamin Doona Kooxaha is-wajahaya

Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa waxaa ku soo beegmay kulamo adag wareega 16-ka ee Champions League iyagoo ka horimaan doona kooxaha Talyaaniga ee AC Milan iyo Napoli.
Arsenal ayaa waxa ay u safri doontaa kulanka lugta hore garoonka San Siro iyagoo la ciyaari doona kooxda 7da jeer ku guuleysatay Champions Leagu ee AC Milan, halka Chelsea ay iyagana la ciyaari doonaan kooxdaNapoli oo wareegii Groupyada ku soo garaacday kooxdaManchester City.
Kooxda koobkan difaacaneysa ee Barcelona ayaa waxa iyagana is-haleeli doonaan kooxda Bayer Leverkusen, iyadoo lugta hore ay ka dhici doonto Jarmlka, halka kooxda Real Madrid uu safar dheer sugayo bisha February maadaama ay lugta hore u safri doonaan kooxda CSKA Moscow.
Kooxdii ku guuleysatay 2010kii Chamions League ee Internazionale ayaa waxa ay ku dhici doontaa Marsielle, halka kooxda Manchester United soo reebtay ee Basel ay iyadana qoorta isku geli doonaan kooxda Bayern Munich oo garoonkeeda uu martigelin doono finalka koobkaan.

Shaxda Isku-Aadka Kooxaha


Lugta hore waxa ay dhici doontaa February 14/15 iyo 21/22, halka lugta labaad ay dhici doonto March 6/7 iyo 13/14.

Somalilandpost.net

sports@somalilandpost.net