Isku Aadka Champions League iyo Sida ay Isugu beegmeen 32-kooxood ee Horyaallada Yurub

Monaco (SLpost)- Waxa mar-dhawayd lagu dhawaaqay Isku-aadka Groups-ka ee tartanka Kooxaha Horyaallada Qaaradda Yurub (Champions League) oo xafladda lagaga dhawaaqay hadda ka socoto magaalada Monaco ee dalka Faransiiska.

32-ka Kooxood ee tartanka Champions League Xilli-ciyaareedka 2014/2015 waxa ku cusub kooxo yar-yar oo aan hore uga qayb-qaadan tartanka iyo qaar mar kale ku soo laabtay sida Liverpool.

champions leagueWax badan kama duwan qaabka isku-aadkii sannadki hore, iyada siddeedda Group ee 32 kooxood loo qaybiyey ay hoggaaminayaan kooxihii sannadkii hore, waxaana xusid mudan in Siddeedda Group intooda badani ay u dejisan yihiin qaabkii sannadkii 2013-kii isla markaana ay mar kale isku beegmeen ama ay Isku-group kuwada jiraan, sida kooxaha Machester City iyo Bayer Munich, Borussia Dormund iyo Arsenal, Barcelona iyo PSG.

 

Halkan ka akhriso 8-dda Group iyo sida ay Kooxuhu Isugu beegmeen.

 

GROUP A:  

Atletico Madrid (Spain

Juventus (Italy)

Olympiakos (Greece)

Malmo (Sweden)

GROUP B:        

Real Madrid (Spain)

FC Basel (Switzerland)

Liverpool (England)

Ludogorets (Bulgaria)

GROUP C:         

Benfica (Portugal)

Zenit (Russia)

Bayer Leverkusen (Germany)

Monaco (France)

GROUP D:      

Arsenal (England)

Borussia Dortmund (Germany)

Galatasaray (Turkey)

Anderlecht (Belgium)

GROUP E:        

Bayern Munich (Germany)

Manchester City (England)

CSKA Moscow (Russia)

Roma (Italy)

GROUP F:         

Barcelona (Spain)

PSG (France)

Ajax (Netherland)

APOEL (Cyprus)

GROUP G:          

Chelsea (England)

Schalke (Germany)

Sporting Lisbon (Portugal)

Maribor (Slovenia)

GROUP H:     

Porto (Portugal)

Shakhtar (Ukraine)

Athletic Bilbao (Spain)

BATE (Belarus)

Dhinaca kale, Group-ka ugu Adag ee loo aqoonsaday inuu yahay GROUP OF DEATH , ayaa ah Group-ka E  oo ay ku wada-jiraan Kooxaha Bayern Munich, Manchester City, CSKA Moscow iyo Roma.