Iskaashatooyinka Basaska Hargeysa Oo Ka Qayliyay Dhaqaale-yaraan Ka Soo Food-Saaray Amarka Wasiirka Daakhiliga

Hargeysa (SLpost)- Iskaashatada Basaska waaweyn ee iskaga kala goosha gudaha magaalada Hargeysa, ayaa si weyn uga soo horjeestay amarkii Wasiirka Arrimaha guduhu ka soo saaray wadadda madaxtooyada hormarta oo ay sheegeen in aanay dantooddu ku jirin qaabka wadooyinkaasi loo dhallan-rogay.

iskaashatada Guddoomiyaha iskaashatada Basaska waaweyn ee City Bus Mr Xuseen Axmed Maxamuud iyo xoghayaha guud ee iskaashatadaasi Xasan Axmed Cabdilaahi Caateeye (Xasan Aar) oo shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in aan wax wadatashi ah aan lala yeelan markii go’aanka wadadan la samaynayey, isla markaana aanay caqligal ahayn wax iyaga saameyn ku leh aan lala tashan.

Md. Xusseen Axmed Maxamuud oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu faah faahin ka bixinayaa dhibaatada ay kala kulmeen nidaamka wado marista ee lagu sameeyey wadooyinka halbowlaha ah ee gudaha caasimada Hargeysa, waxaana uu tibaaxay in ay kala kulmeen dhibaato dhaqaale oo sababtay in ay basaska qaarkood ay soo noqdaan iyaga oo aan soo qaadin wax rakaab ah.

“Waxanu ka hadlayanaa isbadalka jidadaka lagu sameeyey dhibaatada ay noo gaysteen iyo qaabka ugu haboonaa oo ahayd in la la tashado dadka in jidadka intaan waxan la samaynin wax nalaga waydiiyo hadaan iskaashatadii nahay, waxaanu nahay gaadiidkii wadanka ka shaqaynayey kuwii ugu waa waynaa shanta xaafadood-baanu kala gooshnaa oo dadka u kala daabulnaa, ciyaala iskuul malaayiin ah ayaanu qaadnaa, in nala dhayal sado may ahayn , waxay nagu yeelatay saamayn dhaqaale, saamayn saxmad nagu soo koradhayna way nagu yeelatay, imika istaamo dhan baa naga baa ba’ay, saddexdii lawdh ee baabuurtu qaadi jirtay waxaa go’ay ugu yaraan hal lawdh. Runtii iminka meelaha naga go’ay waxaa ka mid ah istaanka Jig- jira yar oo kale Afar goobood oo ay wax ka qaadi jireen oo gobalka leh, oo dhakhtarka leh, oo State House-ka leh, dhulkaas oo dhan kuli waa laga wada leexiyey, waxay iminka taagan tahay basaska Jig-jiga yar in aanu dhigno. Waxaad kale oo aad ka soo qaadaa bal imika basaskii utalaabayey daanta shishe, waxay ka soo qabsanayaan ku-yuuga Total Illaa iyo Ishaaarada Telesom, Saacad iyo badh bay ku jirayaan, anagu hadaan basaska nahay dhibaato mooyee wax kale noo may yeelan”Ayuu yidhi guddoomiyaha gudida iskaashatada Basasku.

Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska waaweyn ee magaalada Hargeysa Md:Xusseen Axmed Maxamuud, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Wasiirku cid-naba kala muu tashanin, shaqsi qudha waxba ka muu waydiinin, isaga uun baa waxan sameeyey, dawladii hoose ayaan xataa la ogayn, anagaan la ogayn, dadwaynaha ayaan la ogayn, wax kasta oo la bilaabayo horta marka hore ayaa laga sii shaqeeyaa intaan la odhan dadku way la qabsanayaan iyo wakhti bay qaadanaysaa, waxay qaadanaysaa bilo ayey qaadanaysa. Iminka xaga shishe Maansoor marka ay baabuurtu ka soo noqonayso kuwii oo faaruqa ayey yimaadaan magaalada, marka hore intaan wax la samayn dhibta ka imanaysa ayaa laga fakeraa, jidkaa in la sii sameeyo ayaa fiicnayd oo cagaf la galiyo oo la hagaajiyo, askariga jiifa oo dhan in laga qaado ayaa fiicnayd, wax alaale wax la sameeyey iyada oo aanay jirin buu dusha nagaga keenay”Ayuu yidhi Xusseen Axmed Maxamuud.

Ugu danbeyntiina Xasan Axmed Cabdilaahi Caateeye (Xasan Aar), oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in haddii arrintaas dib u eegis lagu samayn waayo nidaamka loo dhigay wada marista ay ka iskaashato ahaan go’aan midaysan ka gaadhi doonaan, maadaama baa uu yidhi markii horeba aanu wasiirka arrimaha gudaha Md. Cali Waran Cadde aanu la soo socod siin.

“Wasiirka arrimaha guduhu go’aanka uu qaatay anaga ka urur City Bus ahaan na-lamuu soo xidhiidhin ama waxba naga muu ogaysiin, markii aanu dawlada hoose is xogagaal waraysanay waxay noo sheegeen in aanay arrinkaa wax shaqo ah ku lahayn, may ahayn agaasime waaxeed-yo la kala bedelayo ee waxay ahayd wadooyin dhan baa la gooyey oo la kala bedelayey markaa arinkaa ka City Bus ahaan cid nasoo ogaysiisay ma jirto, iskaashatadayadu waa ay weyn tahay waa sideed Istaan , anagu waanu sugaynaa muddo todoba cisho ah in arinkaa naloo yeedho wax laga bedelo wixii qaldan la saxo, haddii kale waxaanu ku dhaqaaqaynaa waa go’aanka ay soo saaraan iskaashatadayadu ilayn anagu waxaanu nahay madaxda iskaashatadee”Ayuu yidhi Xasan Aar.

Si kastaba ha ahaatee, iskaashadda Basaska ayaa si weyn u dhaliilay jidadkan amarka laga soo rogay oo ay sheegeen in dhaqaalihii ku yaraaday, isla markaana aanay macquul ahayn in sidaas lagu sii shaqeeyo.

Somalilandpost.net