Iskaashatada Rayislayaasha JSL oo Horumar Balaadhan ku Talaabsaday, Cabashana ka Muujiyey Timajarayaal Ajaanib ah oo Dalka ku soo Badanaya.

 

Hargeysa(SLpost)-Iskaashatada timajarayaasha Somaliland ee MIDNIMO ayaa waxa ay xadhiga ka jareen meheraddo cusub iyo qaar kale oo ay ku sameeyeen wax-kabedel iyo qurxin iyaga oo bulshada ugu baaqay in ay u soo kordhiyeen adeegyo timajariseed oo fiican iyo nadaafad loogu yimaado goobaha xarunta u ah  rayiislayaasha.

 

Guddoomiyaha Ururka midawga timajarayaasha Midnimo Deeq Daahir iyo xubno ka tirsan iskaashatada ayaa sidoo kale cabasho ka muujiyey rayiislayaal ajaanib gaar ahaan Itoobiyaan oo ku soo badanaya Somaliland islamarkaana cidhiidhi galiyey suuqii ganacsi ee muwaadiniinta xirfaddan ku shaqaysta.

 

Halkan Hoose ka Daawo Warkaas oo Muuqaal ah: