Iska soo tukada! – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Cali Coomay

Meel cidhif kaga taala maskhink uu jiifo ayuu ka soo jeedaa, waxa xaga dambe ka soo taageeraya laba barkimo oo aad moodo in laba bilood aan la maydhin. Waxa hareerihiisa daadsan khashin badan, oo isugu jira baco, xashiish iyo baakidho. Markii uu makhsin soo galay cumar ayuu indhaha ku dhuftay meeshan nadaafad daradu ka muuqato. Ka dib waxa maankiisa ku soo dhacaysay, tolow maxaad odaygan meesha looga hagaajin waayey? Waa cid baanu lahayn? May saga diiday? IWM.

Waa oday da’ahaan dhawr iyo lixdan ah, balse muuq ahaan ka weyn, da’daasi. Waxa isugu biirsantay da, dayac, daryeel la’aan, duqnimo, dad la’aan, dawo la’aan, dugsi la’aan iyo dabiib la’aan. Markaad albaabka ka gasho makhsin uu jiifo, waxa markaba ku qaadaysa nadaafad darada, sigaarka ka soo kamkamaya iyo suyuc aan loo adkaysan Karin. Markii u galay ayuu ku yidhi” salaama calaykum adeer”. Ka dib intuu dirqi ku soo sare fadhiistay oo soo saaray indho gudhay gudhay oo god ka soo muuqda, ayuu ugu af-celiyey” maxaa kuu diiday inaad, salaanta soomaalida nagu salaanto”.

Cali Coomay
Cali Coomay

Cumar intuu yaabay ayuu yidhi” adeer waa salaantii islaamka”. Ka dib wuxuu yidhi” ninyahow  carabta hoosta ha naga soo galin”. Cumar weli muu aqoonsan odaygu inaanu soon, salaad, sadaqo, sako iyo samafalba shuqul ku lahayn. Waana ta keentay inuu kala garan waayo salaana islaamka iyo carabnimada. Odaygii ayaa bilaabay dood uu la galo wiilkan uu adeerka u yahay ee soo booqday inuu ogaado caafimaadkiisa. Isago hadalka ka soo qaadaya meel fog, oo aad moodo inuu dirqi iyo tux un ku soo marayo dhuunta ayuu yidhi” ma af-carbeed ayaad wax ku barataa, mise af-faranji”.

Cumar ayaa ku yidhi” af-carbeed”. Markaasuu dirqi ku yidhi” alla ku doori, maxaad af-faranii kuu diiday”. Cumar ayey talo ku ciirtay. Wuxuu maskaxdiisa iska weydiiyey, bal odaygan aan caafimaadiisa soo eegay ee ilaa daarada i-socday eega. Odaygii ayaa in muddo ah qufac ku maqnaa, markaasuu soo miyirsaday. Ka dib wuxuu yidhi” miyaanad ogayn, in dadka af-carbeedka wax ku barta ay maskaxdu taagan tahay”. Subxaan ma luuqada ilaahay qur’aanka kariimka ku soo dejiyey.

 Ilaahay ayaa wax kaa yidhaa. Cumar fajax iyo yaab ayuu madaxa la haystaa. Wuxuu is-weydiinayaa maxaa ku dhacay adeerka oo sidan ka dhigay mise sidanuu iska ahaa. Muddo ka dib wuu ka soo baxay, oo wuxuu ku yidhi waan soo tukanayaa. Ka dib odaygii ayaa ugu jawaabay “ iska soo tukada”.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com