Isha Qarsoon(IQ): Ogow halista qarsoon ee bulshada khatarta ku ah

Qoraaga Cabdilaahi Cawad Cige

Waxa aan ka degay garoonka dayuuradaha ee Berbera bishii Julaay 11keedii, waxa aan Somaliland dib uga dhoofay 18kii Sebtember. Muddadaas aan dalka ku sugnaa waxa aan arkay halis badan oo bulshadu, iskeed iyo jujuub ba, dhexqaaddo. Waxa ka mid ah baabuurta rakaabka ee u kala gooshta magaalooyinka, mid loo sameeyay inuu afar rakaab ah qaado ayaa siddeed qof iyo xamaamadoodii lagu cufayaa.

Waxa ka mid ah dayaca jidadka waaweyn oo halis gaar ah ku haya baabuurta. Waxa ka mid ah qashinka jidadka magaalooyinka lagu dhex urursho, fursad ka wanaagsan oo bakteeriyada iyo jeermiska la siin lahaa ma jirto. Waxa ka mid ah dayaca cisbitaallada ka muuqda oo halistiisa ku haya bulshada, gaar ahaan kuwa jilicsan ee bukaansocodka, haweenka uurka leh iyo dhallaanku ka mid yihiin.

Waxa se jirta halis kale oo aan soo arkay.

Hargeysa intii aan joogay waxa aan ku noolaa badhtamaha magaalada ee ugu sawaxanka iyo buuqa badan, aniga ayaa doortay, sida runtu tahay waxa aan ka doortay hudheello qaali ah oo qori soddon qaad ah la la hor fadhiyo. Waxa aan ku jeclaystay derisnimada dadka caadiga ah, muruqmaalka, qaadwalaha, xammaalka iyo hooyada tamaandhada tirada yar bacadka la fadhida. Waa meel aad ka ogaan karto nolosha dhabta ah, nolosha aan doollarka ku dhisnayn ee bulshadu u badan tahay.

Hudheelka Barwaaqo oo aan ku noolaa wuxuu kaabiga ku hayaa xarunta xannaanada dexe oo Dr. Khaalid lagu qoray, sababta iyo cidda Dr. Khaalid yahay mooyi. Dhismaha xannaanada hortiisa iyo dabadiisa ba waxa ku wareegsan waabo yaryar oo mid wal ba qof ama laba nololmaalmeedka ka raadiyaan. Siijeedka waxa kaga qabsan oo barxad yari u dhexaysaa masaajidka Cali Mataan. Barxaddaas yari iyana waa jiq, kitaabbo, cadayo, alaabooyin kale ayaa lagu iibinaya. Wakhtiyada eedaanka masaajidku ii baxo aniga oo hudheelka jooga waxa aan ka dusi jiray balbalo yar oo rukunka dambe ee xannaanada ku qabsan.

Maalin tabtii caadada ahayd mu’adinku, aniga iyo intii kale ba, noo yeedhay ayaan bartii balbaladu ahayd ka dusay. God ciid cusub laga soo fadhay oo balbalada dhinaceeda, ku na beegan xannaanada dhankeeda dambe, laga qoday ayaan arkay. In bullaacadaha tirada beelay ee magaalada jid walba laga qodo meesha laga binaynayo ayaan mooday. Dhawr maalmood ka dib ayaan bartii hadda na ka dusay, dhisme moofo wax lagu shuf siinayo ah ayaa goobtii ka mudh tidhi. Fahmiwaayay waxa moofada noocan ah meesha looga bineeyay.

Faham la’aantii aniga oo ay igu qafilan tahay ayaan hudheelkaygii ku noqday. Nin Yurub ka soo guuray oo hudheelka jooga, magaalada na xogogaal u ah ayaan i fahamsii moofadan ku idhi. Wuxuu ii tilmaamay in dhismuhu yahay meel loogu talagalay in qashinka hadhaaga dawooyinka iyo irbadaha la isticimaalo lagu gubayo yahay(Medical waste incinirator). Dhismaha moofadu wuxuu leeyahay laba albaab oo bir ah, mid waa ka dhuxusha lagu gubayo lagaga shubayo ka kale na qashinka la gubayo ayaa lagaga gurayaa. Halkan dhuxusha lagaga ridayo waxa ku tiirsan oo dab ku shidanaysa gabadh aan shaaheeda aad u jeclaa, waxa dacalka ku haya oo galabtii bartaas hurdo casari iska seexda wiil addin iyo gacan ka naafo ah oo gabadha shaaha samaysa caawiya.

Dhayogsiin(Dioxin) waxay ka mid tahay kuwa ugu nacdalsan kiimikooyinka reer Aadan sameeyeen. Waa kiimiko halis ku ah caafimaadka dadka, cudurrada Kansarka qaar ka mid ah ayaa loo aaneeyaa, taranka bini-aadamka inay dhaawacdo ayaa lagu tilmaamaa, maaha maaddo lagu la kaftamo laga na agdhoweeyo bulshada iyo meelaha ay ku ururto. Ilaha ay kiimikadaasi ka soo baxdo waxa ka mid ah gubitaanka hadhaaga dawooyinka.

Aniga oo naxdintii aan ka qaaday warkii uu ninku igu taabtay ku hubaysan ayaa ninkii hudheelka lahaa dhiilladii u sheegay. Warcelintiisii waxay i xusuusisay qisadii Duleed iyo Dibadyaal; dibadyaal kal adagaa, naxariisi ku ma degin. Isaga oo aan is hawlin ayuu yidhi; “Ma meeshaas, oo xannaanada Burco badhtankeeda ayay ku taallaaye”. “Ma tan oo kale”, ayaan la soo booday. “Taas oo kale oo weli ba ka qiiq badan”.

Hudheel xannaanada dhexe ee Burco aan ka fogayn ayaan degay. Galabtii dambe ayaan booqasho ku tegay xannaanada. Kadinka hore oo iska furan ayaan daf idhi, ma ba qarsoona. Moofo muddo dheer lagu gubayay qashinka hadhaaga dawooyinka ayaan goobtii ku arkay. Albaabkii birta ahaa wuu dhammaaday, waxa soo filiqsamay oo debedda daadsan qaar ka mid ah dawooyinkii la gubayay, xitaa quraarado dawooyin ku jiraan oo aan gubannin ayaa dhulka daadsanaa. Irbado ayaa iyagu na camuudda ku dhex libidhsanaa.

Goobtii aniga oo iska eegaya ayaa wiil caagad sitaa ka soo baxay mid ka mid ah qolalkii dhismaha xannaanada. Waan sugay intii uu isoo gaadhayay. “Miyaad meesha ka shaqaysaa?” ayaan weydiiyay. “Haa” tabcaan ah ayuu iigu warceliyay.

 “Meesha maxaa lagu qabtaa?”, ayaan ku idhi. “Waxa lagu gubaa dawooyinka” ayuu iigu warceliyay. “Ilaa iyo goorma?” ayaan ku idhi. “Weligeed ba, intii aan ka warhayay”.

Waxa aan ku noqday hudheelkii aan degannaa. Waxa ay shaqaalihii hudheelku iiga warrameen in marka meeshaas wax lagu gubayo qiiqu suuqa oo dhan qabsado, xitaa hudheelka in qaacu xidho, waxa aan uga warramay booqashadaydii iyo halista qashinka goobtaas lagu gubaa leeyahay.

Habeenkii dambe ayaan arrintii uga warramay gabadh kalkaaliso ah oo magaalada Burco deggan. Waxa ay ii tilmaantay in xannaanada xaafadda Oktoobar ay iyadu na leedahay goob qashinka lagu gubo. Waxa aan galabtii dambe booqasho ku tegay xannaanada xaafadda Oktoobar, albaabka oo silsilad lagu maray ayaan qoorta kala dhacay. Tabtii inantu ii tilmaantay waxa aan ku arkay oo sawir ka soo qaaday moofo la mid ah kuwii aan xannaanada dhexe ee Burco iyo tii Hargeysa ku soo arkay. Waxa kale oo xannaanada Oktoobar dheerayd foosto af furan oo qashinkii dawooyinka lagu gubay ayaa goobta taallay.

Dhakhtar da’a yar oo Hargeysa ka shaqeeya oo aan arrimaha moofooyinka uga warramay ayaa igu kordhiyay in cisbitaalka weyn ee Hargeysa qashinkiisa dawooyinka lagu gubo goob furan oo u dhexaysa cisbitaalka iyo wasaaradda caafimaadka, ma booqan goobtaas laakiin marka aan ku cibroqaatay aragtiyihii kale waa mid suurtagal ah.

Nin shaqaale dawladeed ah oo ka warhayay dhisitaankii moofooyinka ayaa igu kordhiyay in hay’ado qalaalood ay fuliyeen, isla markaana ku warrameen in gubitaanka noocan ah ee qashinku yahay mid casri ah oo bulshada na u wacan caafimaadkeeda.

In qashinka cisbitaallada iyo hadhaaga dawooyinka loo gubo, loo na aaso qaab habboon oo aan caafimaadka bulshada iyo badbaadada degaanka halis ku ahayn waa arrin muhiim ah.

Waxa se la yaab leh in bulshada dhexdeeda lagu gubo qashin bixinaya kiimikooyinka noocan ah. Ma hubo, waa na arrin u baahan in la baadho inta uu le’eg yahay ka warhaynta maamulka caafimaadka ee heer gobol iyo heer wasaaradeed ee ku aaddan halista ay moofooyinkani ku keeni karaan bulshada.

Mid ka mid ilaalada hudheelkaygii Burco oo aan uga warramay qaaca kaga yimaadda xannaanada dhexe iyo halista uu yeelan karo ayaa igu yidhi; “Halkan dadku wuu iska dhintaa, waa la aasaa, cidi na isma weydiiso muxuu qofkani u dhintay?”

In dadku aanay iska dhiman, la iska aasin, ee noloshooda qiimo ka badan ta ay maanta joogto loo yeelo ayay bulshadu horumar ku gaadhi kartaa, hoggaankeedu na hibo iyo haybad ku mutaysan karaa.

Cabdillaahi Cawed Cige,

Liverpool, UK

 edleh@hotmail.com