Iscasilaadda Masuuliyiinta KULMIYE ee Laanta Maraykanka oo sii kordhaysa iyo Guddoomiyhii gobollada Galbeedka oo shaqada ka tagay

LOS ANGELES (SLpost)- Iyadoo maalmihii u dambeeyey ay soo kordhayeen tirada Masuuliyiin xilal kala duwan ka haysay hoggaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye u qaabilsan Woqooyiga Maraykanka, waxa maanta shaaciyey in xilkii uu u hayey xisbigaas iska casilay Guddoomiyihii Gobollada Galbeedka ee dalka Maraykanka Cabdisamad Maxamed Axmed.

cabdisamadCabdisamad oo isagoo jooga magaalada Los Angeles Gobolka California ee dalkaasi Maraykanka la soo xidhiidhay warbaahinta, waxa uu sheegay inuu isaga casilay xilkaas sababo la xidhiidha is-afgaran-waa dhexmaray hoggaanka sare ee Xisbiga ee Woqooyiga Maraykanka.

Cabdisamad oo ka hadlayey sababta uu isku casilay, waxa uu yidhi, “Anigoo ah Cabdisamad Maxamed Axmed, ahna guddoomiyaha gobollada Galbeedka Maraykanka ee Xisbiga Kulmiye, waxaan shacbiga Somaliland la socodsiinayaa inaan iska casilay xilkii aan ka hayey xisbiga Kulmiye. Anigoo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Sool waxa go’aankaygan igu kallifay markaan arkay siyaasadda iyo hannaanka aanu u wada-shaqaynaynay xisbiga Kulmiye ay noqotay mid aanu isku af-garan waynay gaar ahaan dhinaca xidhiidhka iyo wada-shaqaynta oo aanu ka weynay wax tix-gelin ah.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Markaan la tashaday taageerayaashayda iyo gobolkaan ka soo jeeday, waxaan go’aansaday inaan ka baxo xisbiga KULMIYE oo aan ku soo jiray ilaa 2002-dii. Waxaan u mahadcelinayaa taageerayaashday meel kasta oo ay joogaan. Waxa kale oo aan u mahadcelinayaa masuuliyiinta aanu ka soo wada-shaqaynay xisbiga Kulmiye” Sidaas ayuu yidhi Cabdisamad.

Masuulkan ayaa noqonaya kii Shanaad ee muddo todobaad gudihii ah shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu ka hayey Xisbiga Kulmiye.

Todobaadkan ayay ahayd markii ay shaaciyeen inay xilalkii ay hayeen iyo xubinimadoodiiba iska casileen Afar ka mid ah masuuliyiintii ugu sar-sarreysay xisbiga Kulmiye laantiisa Woqooyiga, kuwaas oo kala ahaa Guddoomiyihii Garabka Haweenka, Guddoomiyihii Garabka Dhalinyarada, Afhayeenkii xisbiga ee Woqooyiga Maraykanka iyo Guddoomiyihii gobollada Dhexe ee Maraykanka u qaabilsanaa Xisbiga Kulmiye.

Somalilandpost.net