Isburinta hadallada saraakiisha maleeshiyada Shabaab oo wax weyn fashiliyey

Muqdisho (SLpost)- Sheekh Xasan Daahir Aweys  oo ka mid  ah Saraakiisha sarsare ee Malleeshiyada Al-Shabaab oo war-baahinta lahad layay ayaa daaha ka fayday khilaaf ba’an oo uu sheegay inuu ka dhex jiro kooxdaas, isla markaana khilaafkaasi yahay waxa sababay inay inta badan ka baxaan meelihii ay ka haysteen magaalada Muqdisho.

Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaq ah loo baahnaa in hal sano ka hor uu bilowdo maaddaama AMISOMay wadato Taangiyo iyo Madaafiic waa weyn, kaasi oo aanan suuragal aheyn in ay Al-Shaabab iska celiyaan Ciidammo sidaa u qalabaysan.

Isbeddalka Kooxda Al-Shabaab ku dhacay ayuu Xasan Daahir ka hadlay waxaana uu tilmaamay in haddii ay banneeyeen difaacyadii Kooxda Al-shabaab degganayd ee Muqdisho dagaalku sidaa ku dhammaanaynin, isla markaana waxa uu ku hanjabay in dagaalka Al-Shabaab qorshaynayso ee kudhufo oo ka dhaqaaqda ahi ka daran yahay dagaalkii hadda ka hor ay dawladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya iyo AMISOM.

Hase-yeeshee, Afhayeenka Malleeshiyada Al-Shabaab, Sh. Cali Maxamud Raage (Cali-dheere), ayaa beeniyay inuu Al-Shabaab soo dhex-galay  khilaaf iyo kala qeybsanaani. Maalmahaan ayaa waxaa soo baxayay warar soo xoogeysanaya oo sheegaya in Al-Shabaab ka bixiddeeda goobaha difaaca ee Muqdisho uu sabab u yahay khilaaf dhexdooda ah.

Aqoonhayan dhowaan booqday magaalada Baydhabana wuxuu sheegay in Saraakiisha Al-Shabaab ee reer Baydhaba ay oggolyihiin Hay’adaha gargaarku ay yimaaddaan, halka Axmed Godane iyo Cali Maxamuud Raage ay diiddan yihiin. Af-hayeenka Al-Shabaab,  Cali Maxamuud Raage, oo u warramayey Xalay BBC-da Laanta Soomaaligu wuxuu ku tilmaamay wararkaas oo dhan kuwa aan waxba ka jirin.

Si kastaba ha ahaatee, haddalladan isla shalay ka soo kala yeedhay Saraakiisha Sarsare ee Al-Shabaab, gaar ahaan Xasan Daahir Aweys iyo Cali Maxamuud Raage, ayaa ah kuwo kala fog, isla markaana is-burinaya, iyada oo hadalka Aweys laga dhadhansan karo mid daacadnimo hadal ah oo u dhaw xaqiiqada wararka hore loo hayey ee muujinaya in Al-Shabaab dhexdeeda khilaaf weyni ka jiro, halka hadalka Cali-dheere u muuqdo mid dublamaasiyadeed oo laga dheehan karo is-difaac iyo dafiraad siyaasadeed, maaddaama oo qirashada jiritaanka khilaafkaasi wax badan ka dhimi karo Malleeshiyada Al-Shabaab.