Isbar-bardhigga Awoodda Ciidammada Badda ee Kenya iyo Soomaaliya

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa taagan su’aalo la iska weydiinayo waxa xigi doona xukunkii maxkamadda Qaramada Midoobay ICJ ay kasoo saartay dacwaddii muranka badda ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya, taasoo isqabqabsigeeda uu muddo dheer soo jiitamayay.

Xiisadda ku saabsan muranka xadka badda ee ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii ay Kenya ku gacan seydhay xukunkii maxkamadda ICJ (International Court of Justice).

Sida uu qoray mid ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn ee kasoo baxa Kenya, Standard, waxaa maalmaha soo socda isha lagu wada heyn doonaa tallaabada ay qaadi doonaan ciidanka badda ee Kenya, haddii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu go’aan ku qaato inuu wadahadal ku xalliyo khilaafka xadka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya iyo haddii uu ka tallaabsado amarka maxkamadda labadaba.

Maqaalka wargeyska ayaa lagu yidhi: “Ciidamada badda ee Kenya ayaa laga filayaa inay ilaaliyaan xadka badda ee Kenya, kaasoo ay maxkamadda ICJ ay isbaddal ku sameysay”.
Garsooreyaasha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ayaa 12-kii bishan ku dhawaaqay xariiqin cusub oo lagu calaamadeeyay xadka badda, taasoo ka dhigan in aaggii lagu muransanaa badankiis la siiyay Soomaaliya.

Ciidanka badda ee Kenya oo la aasaasay 12-kii bishii December ee sanadkii 1964-kii ayaa dhisnaa muddo 57 sano ah. Waxa ay sannadihii lasoo dhaafay awooddooda ku muujinayeen howlgalka militari ee ay ka wadeen gudaha Soomaaliya.

Hase yeeshee Soomaaliya ayaa la sheegaa inaysan lahayn ciidan bad oo aad u awood badan, maadaama ay cududdii militari burburtay kaddib markii ay dowladdii dhexe meesha ka baxday 30 sano ka hor.
Muranka xadka badda ee labada dhinac ayaa waji cusub yeeshay maalmahan, iyadoo Kenya ay ku adkeysaneyso inaysan dhag jalaq u siineynin xukunka kasoo baxay maxkamadda hoos tagta Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay magaalada Hague.
Ciidamada badda ee Soomaaliya iyo Kenya midkee awood badan?

Kenya oo ciidankeeda badda ay si buuxda u howlgalaan ayaa markii horeba galaangal ku lahayd amniga aagga la isku hayo, sida uu sheegay Collins Wanderi, oo ah sarkaal howlgab ah, oo uu soo xigtay isla wargeyska.

“Tan iyo 1979-kii xadka lagu muransan yahay waxaa gacan ku heyntiisa mas’uul ka ahaa ciidanka badda ee Kenya, iyaga ayaana si buuxda u sugayay amniga, sidoo kalena hagayay gaadiidka badda,” ayuu yidhi kabtan Wanderi.

Waxa uu intaas ku daray in ciidanka Kenya aanay halkaas ka tagi karin maadaama laga hortagayo in budhcad badeedda ay saameyn ballaadhan ku yeeshaan aaggaas ayna carqaladeeyaan habsami u socodka ganacsiga soo mara badda.

Dhawaan Kenya waxay saldhig militari oo qalabkiisu u dhammeystiran yahay ka sameysay badda, iyadoo ka falcelineysa xaaladda muranka badda ee taagneyd.

Soomaaliya ma laha awood ay tallaabo noocaas ah ku qaaddo balse waxay leedahay saaxiibbo.

Turkiga oo saldhig militari ku leh caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ka mid ah waddamada awoodda leh ee xidhiidhka dhow la wadaaga dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo.

Horay waxa uu Turkigu ciidamo kuwa cirka ah u tababaray Soomaaliya, halka ciidanka militarigana uu dhismahooda kaalin ka qaatay.

Ankara ayaa horay ficil militari ugu muujisay taageerada dalalka ay xulafada la tahay, sida dowladda Liibiya oo dagaal kula jirtay xoogagga fallaagada ah ee la sheego inay garabka ka heysteen Ruushka.

Shabakadda ka faalloota awoodaha militari ee caalamka, Global FirePower ayaa billowgii sanadkan soo saartay xogta ku saabsan cududda dalalka, waxaana ka mid ahaa Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaan eegeynaa isbarbardhigga awoodda ciidamada badda ee Kenya iyo Soomaaliya, sida ay xustay shabakaddaas.

Awoodda Ciidamada Badda – Kenya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Kenya waxaa lagu sheegay 19.

7 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Kenya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ee ka yar kuwa wax burburiya, kuwa biyaha hoostooda muquurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3.

11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Tirada ciidanka badda ee Soomaaliya waa mid kooban. Warbaahinta dowladda ayaa maalmo ka hor soo bandhigtay askar ku labisan direyska ciidamada badda ee Soomaaliya, oo qaarkood ay dhoollatus ku sameynayeen biyaha iyagoo wata doomo.

Balse si rasmi ah looma shaacinin inta ay la egtahay tiradooda lamana cayimin qalabka ay heystaan.

Sida ay shaacisay shabakadda Global FirePower, Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ee ka yar kuwa wax burburiya, kuwa biyaha hoostooda muquurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha intaba.

@BBC