ISBAR-BAR DHIG: Tirada Degmooyinka Siilaanyo iyo Rayaale magacaabeen Labadii Sanno ee u dambeeyey Muddo-xilkeeda iyo siyaasadaha ololeysan ee ku lammaan

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu shalay soo saaray degmooyin ugu magacaabay magaalooyinka Gudmo Biyo-cas iyo Ceegaag oo ka kala tirsan gobollada Sanaag iyo Saraar.

Rayaale_SiilanyoMadaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa digreeto uu shalay soo saaray waxa uu degmooyin cusub ugu magacaabay tuulooyinka Gudmo biyo-cas oo ku taala gobolka Sanaag iyo Ceegaag oo ka tirsan gobolka Saraar.

Magacaabista laba degmo ee cusub, ayaa degmadii saddexaad ka dhigaysa tirada degmooyinka uu madaxweynuhu soo kordhiyey Muddada Afarta sanno ku dhow ee uu talada dalka hoggaaminayey, waxaanu sidan oo kale bishii October ee sannadkii hore degmo u magacaabay Awr-boogays oo ka tirsan gobolka Sanag.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xilligii uu mucaaradka ahaa ku dhaliili jiray madaxweynihii hore Daahir Rayaale magacaabista degmooyinka iyo gobollada, iyada oo wakhtigaas lagu jiray diyaar-garowgii iyo ololihii doorashada madaxtooyada, waxaanay dadka siyaasaddiisa dhaliilahaa tallaabadan ku tilmaameen mid la mid ah hab-dhaqankii M/weyyne Daahir Rayaale degmooyinka iyo gobollada ku magacaabay labadii sanno ee u dambeeyey muddo-xileedkiisa.

Daahir Rayaale Kaahin oo talada dalka lagaga guulaystay doorashadii 2010-kii ka qabsoontay dalka, ayaa intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2010-kii magacaabay Lix gobol iyo 18 degmo oo cusub.

Bishii March 2008-dii, Madaxweynihii hore Daahir Rayaale, waxa uu magacaabay 16 degmo magacyadoodu kala yihiin Wajaale (gobolka Gabiley), Widh-Widh (Buuhoodle), Qorulugud (Buuhoodle), Go’da Weyn (Saaxil), Harasheekh (Oodweyne), Raydab-Khaatumo (Oodweyne), Garba Dadar (Salal), Boon (Salal), Xariirad (Salal), Laasciidle (Saaxil), War-idaad (Saraar), Ceelal (Saraar), War-cimraan (Togdheer) iyo Magaalo-cad (Awdal), Kala-baydh (Sool) iyo Xaaji Saalax (Oodweyne). Halka Lixda gobo lee uu magacaabay wakhtigaas kala yihiin Gabiley, Badhan, Buuhoodle, Salal, Saraar iyo gobolka Hawd oo laba bilood magacaabistiisu ka dambaysay.

Sidoo kale, toban maalmood ka hor doorashadii madaxtooyada ee 26- June sannadkii 2010-kii ka qabsoontay dalka, waxa uu M/weyne Daahir Rayaale magacaabay Afar Degmo oo saddex ka mid ahi ka tirsan yihiin gobolka Gabiley (Arabiyo, Geed-ballaad, Agabar).

Madaxweyne Daahir Rayaale, ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ku ahaa xukuumaddiisa wakhtigaas ay ku dhaliili jireen inuu magacaabista degmooyinka iyo gobollada uu xilligaas magacaabay u adeegsan jiray olole uu taageero ugu raadinayey doorashadii madax-tinimada oo tiraba laba jeer u dib-u-dhac ku yimi intii u dhaxaysa sannadihii 2008 ilaa 2010-kii.

Madaxweyne Siilaanyo oo xilligii uu mucaaradka ahaa si xooggan ugu dhaliili jiray xukuumaddii Rayaale magacaabista degmooyinka, ayaa xilligan u muuqda inuu qaaday dhabbihii uu ku dhaliili jiray madaxweynihii ka horeeyey, waxaana magacaabista degmooyinkani dad badan ula muuqdaan olole uu taageero ugu raadinayo doorashooyinka la filayo sannadka dambe inay dalka ka qabsoonto.

 

SOMALILANDPOST.NET

Contact@somalilandpost.net