Isbaddalka Xukuumaddu Ma Isbadal Kuraasibaa Mise Waa Isbadal Siyaasadeed

Isbadalku waa shay ku lamaan baahid rabitaan ee bulsho, waxaana sameeya sida caadiga ah dowlad ka wakiila mubaadiinta wadan. Haddaba isbadalka ugu way nee la sameeyo waxaa loo yaqaana “public policy change” isbadal siyaasadeed kaasi oo saamayn toos ah la leh isbadalka

Dhaqaalah, Caafimaadka, Tacliinta, Xidhiidhka Caalamiga, Arrimaha Guddaha, Khayraadka Dabiiciga ah iyo dhamaan adeegayada kale ee ay qabato dowladu sida cadaalada iwm. Sidaas oo ay tahay waxaa iswaydiin mudan xukumadan wakhtigeedii dhamaaday isbadal nooceya ayay samaysay? Laakin isbad siyaasadeed oo dhamaystiran ma samaysay. Intayna nu ka jawaabin

waydiimahan aan xus inta qaab ee uu yeelan karo isbadlku, wuxuu noqankara labad midkood isbadal tabane ah iyo mid togone ah “positive change or negative”

Dhicayad kala duwan ee isbadallada siyaasadeed haddan eegno waxa xaqiiqa inaan dowladu isbadal dhaqaale samaynin, waxaana caddayn u ah, miciishad oo qaaliyoday, wixii la dhoofinay oo yar, wixii la soo dhoofsanayay oo badan, sixirbararkii oo kor u sii kacay, shaqo la’aantii oo farah ka baxaday cashuurihii oo la kordhiyay dhamaan arrimahani waxay sheegayan in loo baahanyahay isbadal dhaqaale oo dag dag ah. Isbadal caafimaadna la samayn, aan ka eegno dhanka dhakhatiirta iyo dhaktarad, tusaale aan u soo qaadano caasimada dalka oo ah Hargeisa,Hargeisa waxay leedah hal dhakhtar oo guud, dhakhtarkan markii la dhisay tirada dadka caasimada ku nooli waxay ahaayen 50,000 maanta tirada dadka ku nooli waa 1.2 milyan dhakhtarad gaarka loo leeyahayna maaha kuwa dabooli kara baahida caafimad ee bulshada,dhanka kale dhakhatiirta soo baxada iyaguna ma dhamayn karaan baahiyah yaala, teeda kale dawooyinka farmasiiyadu iibiyan maaha kuwa laab ka dowlada soo maray oo lagu kalsoonan karo isticmaalkooda iyo tayadooda toona, waxaana magaalad loogu kal iibsada sida nacnac oo kale siyaasad caafimadka iyo dawooyinka la xidhiidha oo ilaa hadda xukuumadu dhaqan galisayna ma jirto.

Xagga tacliinta, hornaantii iyo olalihii xisbiga kulmiye waxay shacbiga u balanqaaden inay abuuri doonan waxbarasho tayo leh iyo tacliinta dugsiyada hoos dhexe oo bilaasha ah. Isbadal waxbarasho xukuumadu way samaysay oo way ku guulasatay inay dugsiyada hoos dhexe lacag

la’aan wax lagu barto, nasiib daro isbadalkan ma noqon mid midho dhal leh oo tayadii dugsiyada dowlada ayaa hoos u dhacday, macalimiintii waayo aragnimada iyo aqoonta lahaana waxay u digo rogteen dugsiyada gaarka loo leeyahay, tacliintii tayada lahaydna waxay noqotay mida gacanta mid ee dowlada ka baxda, oo ay hogaanka u qabteen dugsiyad gaarka loo leeyahay oo ay ka dhigeen mid ganacsi Commercial Education.

Xagga Xidhiidhka caalimiga ah waxaa in hortaagan in caalamku inoo aqoonsado in gobanimadeeni aan dib u la soo noqonay oo aan nahay dal madaxbanaan, mana dhicin taasi dowladuna dadalkeedi ma hayso, siyaasada dhamaystiran laga samayno meesha xalkeeda loo marayna maaha meel qayaxan.

Arrimah gudduhu waa qayb laxaad balaadhan ku leh jirtaanka dalinmadeena iyo dowladnimadeenba, dowladeen waxa lagu dhisay saddex xoog siyasadeed oo ah qabiiladii ku dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland oo ah labad beelood ee daga daafa dalka iyo beesha dhexe waxan la yidhaa saddexa xoog siyasadeed “ three political forces” saddexdan midayntooda iyo abuurida hal xoog siyasadeed oo ah “one political force” oo noqonay “citizens” mubaadin

waa shaqada laga rabo arrimah gudah, inkastoy waxayalo badan qabatay haddana waxa nasiib daro ah wali in shabigu ku abtirsanay reer jaajuur iyo reer dhagax oo loo gudbi layahay mubaadin. Sidaas awgeed arrimah gudah lagama samayn isbadal wax ku ool ah.

Khayraadka dabiiciga ah waa wax rabi ku manaystay sida dhul beeredka, macadanta iyo badda, xagga beeraha ma jiraan mashaariic waawayn oo la maalgaliyay, wasaarada beerahan waxa lagu xususta bariis tijaabo ah oo ay hal mar samaysay, wardanbena aan laga helin dowladu kamay faa’iday dhul beereedkeen wanaagsan, macadanta dalka iyadan lama munaafacadsan ee waa sida

dameer malabsida, badwaynta qaaliga ihina maaha mid kaluunkeeda laga habaq belay ee kalluun la inoo soo dhoofiya ayay nu cuna. Gabi ahaanba isbadal muuqda kumaynan samayn khayraadkii uu dalku lahaa.

Xagga dufaaca xukuumadu waxay hurumarisay darajad ciidamadda iyo kaladanbayn iyo maamul toosan laakin may hurumarin awooda dufaaca ciidamada sida ciidamad cirka iyo

ciidamad tignoolijiyada sidaa darteeda maaha mid dhamaystiran isbadalka xagga dufaacu. Gabogabaddii maqaalkan waxaa inoo cadaaday in isbadalka xukuumadu ahaa isbadalka kuraasida madaxda kala duwan ee waaxaha fulinta iyo garsoorka marka laga reebo dhimayaasha xafiisyada dowlad iyo iskaashiga shacab iyo xukuumada ee xagga wadooyinka, ugu danbayntii waxaa marlabaad iswaydiin mudan Kulmiye, Waddani iyo Ucid isbadalka ay rabaan ma mid kuraasiba misa waa mid siyaasadeed “ public policy change” akhriste.

Mustafe Abdirahman Habane

Email: habanemah@gmail.com