Is Casilaadda XIRSI waxaynu ku Tilmaami karnaa Naxariis Xagga Rabbi uga timi Madaxweyne Siilaanyo

Kolkii warka is casilaadda xubnahani soo baxday si fiicanna warkoodu dadka u wada gaadhay ayaa afarrey  uu soo tuuray abwaanka craxmaan cumar cashuur,waxa uu ku yidhi

Kasmo Li’i Calool Loogu Guray,Raashin Kala Kaan Ah.

Kash -tarsaasay dhuuniga kabidey,kubadii shiidaysay.

Kaarboon silloon oo khalqigu,kugu karaahaysto.

Kabbac iyo marbuu daaca-qudhun,dhereggu keenaaye.

Kadeed iyo adoon hawl u marin,jirridda koorrayda.

Karuurkiisa geel aanad dhiqin, waad ku kibirtaaye.

Maangaab la kool-kooliyoo,kaadso garan waayey.

Kubkuu kaga jabaa meel cidlo ah,subax kal-ceebeed’e

Kabbo,dacarta waataad nimcada kadabsan weydeen’e.

Sida hadaba abwaanka gabaygiisa ka muuqata,Waxa la yaab iyo amakaag ku noqotay badiba rayul-caamka,jallaafada wasiirkii madxtooyadu ugu abaal guday,madaxweyne axmed siilaanyo,oo ahaa ninkii soo qaatay shakhsiyadan kasmadiisu liidato,ee inna baray.

Bal dib u milicso maalmihii tegey,axmed siilaanyo waxa uu markii u horraysay kusoo daray commishankii doorashooyinka ee bedelay comishankii ugu horreeyey,muddo kadib,ayuu xirsi iyadoo xaaladuhu cakiran yihiin,doorashaduna dhawr goor dib u dhac ku yimi,xaalada dalkuna adag tahay,waxa uu xirsi oo ahaa guddomiye xigeen,hadh cad isagoon wax wargelin ah siinin gudoomiyihii xisbiga uu kasocday ee kulmiye,uu shir jaraaid oo uu ku qabtay,xarrunta commisionka ku shaaciayay inuu iska casilay xilkii commisionka,taasina waxay qorshihii xisbiga kulmiye ku keentay dhaawac weyn,isla markaana isbedelkaasi wuxuu noqday mid saamayn ku yeesha nidaamkii qabsoomida doorashada.

Ninkii falkaa ku kacay axmed siilaanyo waxba ugumuu qaban,balse kolkii uu madaxtinimada dalka ku guulaystay,waxa uu ka qayb geliyay xukuumaddii u horraysay ee uu soo dhisay isagoo ka dhigay(chief of cabinet).magacaabista xilkaas waxa madaxweynuhu ugu dhabar adaygay dhaleecayn aad u fara badan oo kaga imanaysay dhinaca mucaaradka.iyo beesha uu kasoo jeedo oo wax garadkeedu u arkayeen inuu siilaanyo MAS bac ku qaatay,iyagana waa (beesha’e,) ninkan yar ee aan bisaylka siyaasadeed lahayni uu  BOOG   .ku yahay magacooga iyo taariikhda mujaahidka xilka u dhiibayba.

Muddo kadib  waxa madaxweynuhu u dhiibay xilka wasiirka madxtooyada sland,kaasi oo uu ilaa imika hayay.

Sidii kolkii hore oo kale ayaa dhaleecayntii loo jeedinayay madaxweynaha waxay noqotay tu halkii kasii socota,

Wax uu ahaa shantaa sano laaska mucaaradnimada ugu weyni kaga soo burqato madaxweynaha qaranka,waxay gaadhay heer madaweynihii la jeclaa,dadkiisa wax u qabtay,usoo halgamay,ee aan habeen meel ka aadin,abaalkana ku lahaa umadiisa ,ay XIRSI aawadii u nacaan.

 

Waxa taas barbar socotay,mashaakilaad kale oo aan debedda usoo bixin oo  madaxweynaha kaga iman jirtay beesha caalamka, khaasatan wadamada jaarka iyo dawladaha horumarka iyo deganaanshaha Somaliland iyo gobolkaba daneeya,iyadoo madaxweynaha si weyn loogu naqdiyay xilalka uu u dhiibay XIRSI IYO SAMAALE,oo shaki weyn looga qabay inay xubno ka yihiin ururo xag jir ah,gaar ahaanna xirsi xaaji xasan oo dawladdii hore ee daahir riyaale ku qabatay wakhti uu denbiyo ka dhan ah amniga faraha kula jiray,tiiyoo wakhtigaas laga soo qabtay,bariga gobolka togdheer,laguna soo eedeeyey inuu xidhiidh dhow la leeayahay AL SHABAAB.

Dhamaan fadeexadahaasi waxay noqdeen kuwo madaxweynuhu indhaha dib uga laabto,kamana suurto gelin inuu xilka bannaanka ka dhigo MUCJISADAN.

Waxay socotaba waxay gaadhay heer uu xitaa habka uu u dhaqmayaa saamayn taban ku yeesho,lagana dardaar weriyo caafimaadka iyo awoodda maamul ee madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee XIRSI GAAB muddo shan sano ah ayuu ahaa XARKA cuna sharafta iyo taariikhda madaxweynaha mujaahid axmed siilaanyo,sidoo kale shan sano ayuu ahaa BOOG kaga taalla beerka beesha sharafta leh,ee uu ku abtirsado,is casilaadda uu wakhtigan ku baaqayna waxaanu u aragnaa NASRI IYO NAXARIIS eebbe usoo dejiyay sumcadda iyo karaamada madaxweynaha iyo beeshaba.

Waxaan intaa ku dari lahaa jawaabta hadal kasoo yeedhay xuseen axmed caydiid,oo ahaa siilaanyo SHAANI baa cabsi gelisay.

Waxaan xuseenoow taas kaa odhan lahaa axmed siilaanyo ma aha nin baqda,ab iyo isir toonna uma laha,waa geesi ka tilmaaman geyiga soomalida,wuxuu ahaa ninkii u gurmaday ee aan ka gabban wakhtigii dadkiisu ninka geesiga ah u baahday,waxaana igaga filan oo aan kusoo ururinayaa jawaabtan inaan kugu idhaahdo,

-Miyaad diidan tahay LIXLE allah ha u naxariistee inuu GEESI ahaa?jawaabtu waa maya ayaan filayaa.

-miyaad diidan tahay maxamed-cali inuu geesi u shahiiday dalkiisa ahaa?maya

Aadan shine inuu geesi ahaa?

Ina koosaar geesi ahaa?

Ina koodbuur geesi ahaa?

Dhega weyne geesi ahaa?

Craxmaan aw cali geesi ahaa?

Aadan saleebaan geesi ahaa?

Carab ducaale geesi ahaa?

Gaariye ahaa?

Hadraawi ahaa?

Xasan ciise geesi ahaa?

Haybe laanbad geesi ahaa?

Harag waafi geesi ahaa?

Claahi askar geesi ahaa?

Kuwa imika aad kasoo horjeedaa geesiyaal ahaayeen?

Inta dhimatay iyo inta nool Kulligoodba waxaad geesi u aamin san tahay,ayuu xuseenow Axmed siilaanyo BOSS-kooga ahaa,leaderkooda ahaa,HERO-gooda ahaa,halyeygooda ahaa.Ku darsoo adiga laftaada leaderkaagu ahaa shalay iyo doraadba.

NIN SHAANI LA TUURO IYO SHIILKE TOONNA KA BAQDA MA AHA.

XAASHA’E NIN LIBIN KAA XISTIYAY XUMIHII WAA YAAB

Pro.Faysal Gaas Cashuur (Ina Faadumo) Hargeysa