Is Barbar-Dhigga Tirada Golahii Wasiirada Rayaale Iyo Madaxweyne Silaanyo & Culayskeeda Dhaqaale 

Hargeysa(SLpost)-Tirada golaha wasiirada Somaliland ayaa inta badan ah mawduuc xaasaasi ah oo ay bulshadu kaga doodo goobaha siyaasadda lagu falanqeeyo, iyadoo ay inta badan bulshadu isku raacsantahay inaanay Somaliland dhaqaale ahaan wakhtigan qaadi karin tiro xukuumadeed oo tiro badan.

Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ahaa madaxweynihii u horeeyay ee dhisay xukuumad tiro badan, waxaanu Madaxweyne Rayaale oo xilka hayay siddeed sannadood uu xilka wareejiyay iyadoo ay xukuumadiisu ka koobantahay 54 xubnood oo isugu jiray wasiiro, wasiirul dawle iyo wasiir xigeeno. Waxaanay xisbiyada mucaaradka oo kala ahaa UCID iyo KULMIYE, madaxweyne Rayaale ku eedayn jireen inuu dhisay gole xukuumadeed oo aanu dalka iska xeji karin dhaqaale ahaan.

Hase yeeshee, Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa noqday madaxweynihii sameeyay xukuumadii ugu tirada badnayd intii ay Somaliland jirtay. Waxaanay arrinta soo jiidashada lihi tahay in Madaxweyne Siilaanyo uu dhisay xukuumad ka tiro badan tii Daahir Rayaale Kaahin ee uu ugu halqabsan jiray weedhii caanka baxday ee ahayd “Xukuumad tiro badan oo bilaa tayo ah.”

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa tirade golihiisa wasiirradu ay maraysaa 57 xubnood, tiradaas oo laba lab iyo dheeraad ka badan tirada xukuumadii u horaysay ee uu dhisay oo ka koobnayd 26 gole xukuumadeed oo isugujiray wasiiro iyo wasiir-xigeeno.

Sida uu madaxweyne Siilaanyo oo dhaqaalaha bartay xilligii uu mucaradka ahaa iyo dad badan oo siyaasadda iyo dhaqaalaha lafa-guraa aaminsan yihiin Somaliland dhaqaale ahaan ma qaadi karto xukuumad tiradaas leh, waxa aanay culays ku keenaysaa miisaaniyadda qaranka oo xooggeedu imikaba mushahar iyo kharashaadka hawl socodsiinta ah ku baxo.

Wasaaradaha oo tiradoodu badataana waxa ay keentaa in ay badato isa-soo-galka shaqo ee wasaaradaha oo qaar badan oo ka mid ahi yihiin hal wasaarad oo la kala dhambalay, taasina ay sababi karto hawlaha qaranka oo curyaama iyo muranno maamul oo soo noqnoqda.

Si kastaba ha ahaato ee waxa aan la ogeyn jawaabta uu illaa hadda madaxweyne Siilaanyo u hayo su’aasha ay dadku iska weydiinayaan sababta beddeshay rayigiisii iyo siyaasaddii lagu doortay ee ahaa in dalka loo sameeyo dowlad tiro yar oo tayo badan, sidoo kalana lama oga madaxweynuhu tirada ku ekeysiin doono muddada uu xilka hayo.

Xigasho Geeska Afrika