Iran Oo Sii Daysay Maxaabiis Ay Ka Hayeen Maraykanka

Iran(SLpost)-Iran ayaa sheegtay inay sii daysay 4 qof Iranian-Maraykan ah, siideyntan ayaa qeyb ka ah maxaabiis la isweydaarsanayo. Warbaahinta Iran ayaa tabinaysa in Jason Rezaian, weriyihii xidhnaa ee Wargeyska Washington Post uga soo warramayay Iran uu ka mid yahay dadka la sii daaya.

Xeer-ilaaliyaha magaalada Tehran Cabbaas Jacfari, ayaa sheegay in siideyntan ay qeyb ka tahay amar ka soo baxay golaha sare ee amniga qaranka Iran.

Jason Rezaian, oo madax ka ahaa xafiiska Wargeyska Washington Post ee Tehran ayaa ah Irani haysta dhalashada Iran iyo Maraykanka, wuxuna xidhnaa in kabadan 500 oo maalmood, iyadoo maxkamad albaabadu u xidhan yihiin ay sheegtay inay ku heshay inuu basaas ahaa.

Tehran ayaa la rumaysan yahay inay hayso saddex qof oo kale oo Maraykan ah, oo uu ku jiro, Amir Hekmati, oo ahaa askari hore oo ka tirsan ciidamada Badda Maraykanka, kaasoo la xidhay mar uu booqnayay qoyskiisa 2011.

Saeed Abedini, oo ah wadaad masiixi ah oo isna lagu xidhay caasimadda Iran 2012 iyo Robert Levinson, oo horey uga tirsanaa hayadda FBI oo isna la hayo tan iyo 2007, ayaan caddayn in saddexdan qof ay ku jiraan dadka maanta la sii daayay.