INTA CADDAALAD DARO JIRTO QABYAALADI WAY JIRAYSAA !

Waa laba eray oo aad u kala fog ,waa laba eray oo macnayaal kala duwan leh  , marka aad mid mashaqana wax badan oo uu dheef ama dhib uu leeyahay aynu xasuusano .

Qabyaaladu waa eex ama nin jaclaysi badanaa ku xidhan reernimo iyo tol ,caddaaladuna waa sinaan ummada meel dagani ay u simantahay ,xuquuqda gaarka ah iyo ta guudba ,tusaale ahaan waa xaqa aan u leeyahay in aan shaqo helo ,ama garsoorka hortiisa aan ku ciil baxo iyada oo la raacayo sharci qoran oo ummada u dhaxeeya oo cid ka saraysaana ayna jirin .

Caddaalada Islaamku waxa uu gaadhsiiyay meel sare eebe sareeyee waxa uu aayad quraan ah ku yidhi “yayna idinku sababin cadho aad cid u haysaan in aad cadaalada ka tagtaan “.

Quraanku waxa uu in badan ku celceliyaa in  cadaalad la  sameeyo ,Illahayna waxa uu jecel kuwa cadaalada sameeya .

Waxa lasoo wariyaa mid kamida Amiiradii ummada muslimka ah  soo maray ayay nin saxaabada ka mida arrin isku qabteen ,kadibna waxa ay u tageen cidii muslimiinta garsoorka u haysay ,asaxaabigii garsoorka ahaa ayaa yidhi “ waar ninkan aad haystaa muuna amiirkii ummada ahayn Amiirkaasi  oo aan u malaynayo in uu ahaa Cali Binu Abii Daalib ayaa hadal xikmada badan ku yidhi “yaa miskiin xaqa raga haku baran laakiin xaqa baro waxa aad baran doontaa dadkiisee”.

Hadalkan macnihiisu waxa weeyaan in aan garsoorka cadaalada ahi dadku u kala soocnayn ,kuna tixgalin mansabka iyo heerka nololeed ee ay dadku  kala yihiin ,waxaa dhici jirtay in Nabi Maxamed(NNKH) dayn lagu yeesho oo la yidhaa hadda halkaa dhig dayntaanu kugu lahayn ,saxaabada qaar kamida ayaa xanaaqi jiray oo odhan jiray muxuu qofkani Nabiga sidan ugula hadlayaa ,NNKH wuxuu Nabigu ku odhan jiray daaya oo yaa daynkaa iga bixinaya .

Maanta ummadaha islaamka ah dhaxdooda caddaaladi ma jirto ,gaaladiina caddaalad ayay haystaan ,reer Yurub waxa ay ku heshiiyeen in ayna dhaxdooda is dulmiyin sikasta oo ay ku ilaashan karayaana way sameeyaan ama Dimuqraadiyad ha lagu kala baxo ama xeerkale oo ay dhigteen bee ,dad meel ku nooli hadii dhaxdooda caddaalad laga helo way barwaaqoobaan wayna horumaraan gaal iyo muslim kuu doonaba ha ahaadee ,hadday isdulmiyaana way dumaan muslim kaliyaba ha ahaadaane ,taasina waa marag ma doon .

Su,aal muhiima oo u baahan in lays waydiiyo ayaa jirta taasi oo ah ,maxaa sababa in uu qofku qabyaalada ku dhaqmo ?

In badan ayaa laga soo hadlay ,wax laga qoray ,lagana dooday ,se anigu waxa aan rabaa in aan dhinac kale ka eego .Qofku hadduu cadaalad helo qabyaalad kuma  dhaqmayo ?,waxyaaba ugu waawayn ee qofka ku kalifa in uu tolaay reer hebeloow yidhaa waa caddaalad darro uu tirsanayo ,hadaan maanta aamin sanahay in cid i dulmiyaysaa aanay jirin,hadddaan aamin sanahay in ay dawladdu xaqayga iisoo dhicinayso ,hadaan aamin sanahay in sharciga hortiisa loo siman yahay,hadaan aaminsanahay in shaqadu tahay xalaal oo qofka kartidiisa iyo aqoontiisa la qadirinayo maaxaan igu kalifaya qabyaalad iyo reerka oo aan dabada galiyo .

Markaan taa waayo  mayna ahayn in aan caymiska reerka iyo qabiilka dabada galiyo ,mayna ahayn in meel idufaacda oo aan xaqayga umari karo in aan taageero .

Shayga kaliya ee aan isleeyahay qabyaalada waa lagaga bixi karaa waa in caddaalad la helaa ,waa in dadku I sinaadaan danta guud iyo waxkasta oo ka dhaxeeya ,waa in la helaa garsoor  muwaadinku ku kalsoonyahay ,inta ay jirto caddaalad daro qofka yidhaa qabyaalad ayaan la dagaalamayaa wuu ku daali doonaa  ,inta qabyaalad aynu la dagaalamayno aynu cadaalad darada ladagaalano ,aynu ku dadaalno la la helo dad shacabka u cadaalad fala oo waxa ka dhaxeeya si siman ugu maamula ,aynu u ololayno dadka cadaalada ku sifoobay ,aynu dhaleecayno dadka eexda iyo cadaalada darada lagu yaqaan .

 

Guuleed Axmed Xaashi(shaacir)

Gaaxnuug2013@gmail.com  Hargeisa /Somaliland