“Ingiriisku Wuxuu Somaliland Kala Shaqeeyaa Casriyeynta Nidaamka Maaliyadda” Wasiirka Maaliyadda

 

Hargaysa(SLpost):-Wasiirka wasaarada Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan  oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirrada JSL ayaa magaalada Berbera ku soo dhawaysay  wefti ballaadhan oo ka socday ha’yadda kaalmooyinka dibadda u qaabilsan dalka Ingiriiska, kuwaasi oo shalay ka soo degey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Berbera Airport.

Weftigan Ingiriiska ah ee ay soo dhawaysay Wasiir Samsam Cabdi Aadan waxay dawladda Somaliland kala shaqeeyaan casriyaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

“Maanta (shalay) waxaanu joognaa madaarka magaalada Berbera oo aanu ku soo dhawaynayno qolo Ingiriis ah oo nala shaqaysa, kuwaasi oo nagala shaqeeya mashruuca hagaajinta iyo horumarinta hanaanka maaliyadeed ee dalka, annaga oo maanta ka dhigannay maalin shaqo in aannu  shir yeelanno   iyo inay Booqdaan Kastamada iyo Dekeda Berbara, markaa illaa maanta oo dhan waxaanu ku shaqayn doonaa magaaada Berbera,”Ayay tidhi Wasiirka Maaliyaddu.

Weftigan Ingiriiska ah ayaa sidoo kale booqasho ku maray Kastamada, Dekeda Berbara, barxadda cusub ee Wajaalle iyo dhismeyaal cusub oo marsadda laga binaynayo. waxa halkaasi warbixin ku siiyay weftiga maareeyaha dekeda Berbera Eng. Cali Xoorxoor, waxaanu sheegay in dekeda Berbera ay diyaarisay qorshe ay ku dejinayso badeecadaha ganacsi ee dalka Itoobiya boqolkiiba soddon.

Dhinaca kale, weftigan ayaa la kulmay xubno Wasiirro ah iyo masuuliyiin kale oo  tiro badan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirrada wasaaradaha  Qorshaynta,Maaliyadda iyo Ganacsiga, kuwaasi oo shir kula yeeshay  xafiiska maareeyaha dekeda Berbera, halkaasi oo lagaga wada hadlay qorshaha ay Somaliland kagala shaqaynayaan casriyeynta nidaamka maaliyadda.

Sidoo kale weftigan ayaa booqday Kastamka magaalada Berbera, waxaana halkaasi warbixin ku siiyay maamulaha kastamka Maxamed Cali Gurxan, waxaanu uga warramay  nidaamka hawleed ee uu ku shaqeeyo Kastamku.

Sidoo kale, Weftigan Ingiriiska ah ayaa waxay shir heer sare ah magaalada Berbera kula galeen xukuumadda Somaliland, shirkaasi oo socon doona muddo hal maalin ah, waxaana shirkaasi lagu lafo-guri doonaa mashruucan cusub ee hagaajinta hanaanka maaliyadeed ee dalka Somaliland.

 

Somalilandpost.net, Office