Ingiriiska oo ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha Xal laga gaadho khilaafka Xuduudaha ee ka dhex aloosan Somaliland iyo Somaliya

Somalilandpost NewsLondon (SLpost)- Xukuumada Ingiriiska ayaa xaqiijisay inay jiraan shirkado dalkeeda laga leeyahay oo dhinaca ammaanka kala shaqeeya hawlaha sahaminta shidaalka Somaliland.

Dawladda Ingiriisku waxa kale oo ay ka hadashay khilaaf dhinaca xuduudaha ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaan maamul-goboleedka Puntland, waxaanay dhiirigelisay in xalka arrintaas lagu dhammeeyo wada-xaajood dhexmara labada dhinac.

Sayeeda Warsi oo ka tirsan aqalka Odeyaasha dalkaa, una metesha xukuumadda arrimaha dibedda iyo dalalka Barwaaqo-sooranka, ayaa sheegtay inuu jiro khilaaf ka taagan xuduudaha ay wadaagaan Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland, isla markaana ay soo jeedinayaan in wada xaajood lagu dhameeyo.

Xildhibaan Lord Chidgey oo fadhi aqalka Odeyaasha Ingiriisku yeeshay  soo jeediyey wax ka weydiiyey haweenaydan su’aalo la xidhiidha aragtida dawladda Ingiriiska ee ku wejahan khilaafka Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ee ku saabsan gobolada Sool iyo Sanaag, iyo haddii ay jirto talaabooyin ay u qaadday kordhinta wada-shaqeynta u dhexeysa Somaliland, waxa ay xildhibaanad Sayeeda Warsi ku jawaabtay, “ Somaliland iyo Puntland waxa jira khilaaf dhuleed la xidhiidha xuduudaha ay wadaagaan, oo shaqaaqo ka abuuray gobolada Sool iyo Sanaag, gaar ahaan, reeraha dega gobolada ee gacansaarka la leh Puntland.

Shaqaadaasi waxay xilliyada qaar caqabad ku noqdaan gaadhsiinta gargaarka horumarineed. Waxaan u soo jeedinaynaa wada xaajood iyo xilkasnimo dhamaan dhinacyada,” ayey tidhi Warsi.

Iyada oo ka hadlaysay nooca xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Xukuumadda Raysal-wasaare David Cameroon, waxa ay tidhi, “Ingiriisku xidhiidh dhow ayuu la wadaaga Somaliland, waxaanan si rasmi ah xafiis uga furanay Hargeysa 2012, si loo xoojiyo wada shaqeynta aan wadaagno.

Shirkii Brussels waxaan ku dhawaaqnay taageero aan kujirin sanduuqa horumarinta Somaliland oo gaadhaysay  shan milyan oo Gini (£5 Milyan), kana dhigaysa guud ahaan taageeradayada sanduuqa £25 milyan, taas oo loo qorsheeyey kobcinta kaabayaasha iyo dardargelinta adeegyada bulshada.

Guud ahaan, Ingiriisku waxay ugu yabooheen Somaliland taageero dhaqaale oo gaadhaysa  £95 milyan ilaa sannadka 2015. Waxaan sii wadi doonaa wada shaqeyntayada dhinacayada taageerada doorashooyinka iyo nidaamka dimoqraadiyada, dib-u-qaabaynta hay’adaha, iskaashiga amaanka ee ay ka mid tahay la-dagaalanka budhcad-badeedka iyo kobcinta hay’adaha garsoorka.

Xildhibaan Chidgey waxa kale oo uu haweenaydan weydiiyey su’aal u dhignayd, ‘Miyey jiraan shirkado dhinaca amaanka qaabilsan ee Ingiriiska oo hawlo ama talooyin ka bixiya sahaminta shidaal ee ka socota Somaliland? Hadday jiraan, xidhiidh noocee ah ayaa shirkadahaasi la leeyihiin wasaarada Arrimaha Dibeda (Ingiriiska)?

Waxaanay haweenaydani su’aashaas kaga jawaabtay, “Waanu la soconaa in tiro kooban oo shirkadaha amaanka ee gaarka loo leeyahay ee ka diiwaan-gashan halkan (Ingiriiska) ay ka shaqeynayeen ama xilligan kala shaqeeyaan Somaliland sugidda ammaanka shirkadaha sahaminta shidaalka.

Iyaga oo raacaya nidaamka degsan, waxaan u fududeynaa shirkadahaa warbixinaha kooban ee xaaladda ammaanka, digniinaha socdaallada iyo siyaasadda Ingiriiska ee la xidhiidha Somaliland.”

XIGASHO: Himilo