Inay Gabiley shalayna Madaxwaynaha Somaliland,Muj. Axmed Siilaanyo KABO Nijaasa kala hor tagto,maantana aay Xisbiyo aan laba gar daadin iyo durbaano madhan u mashxaraddo, waa kaaf iyo kala dheeri iga dheh

Afeef : Weli geed intaan tegay, kama furin gar eexo ,kalmadda Xaqa ahna , cidna kalama leexdo

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaanan Allaha weyn idiinka baryaya , inuu idinka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana,xaqana u hiiliya,baadilka iyo dulmigana ka fogaada.

Inta aanan si xarago leh u soo bandhigin dulucda qoraalkaygan,aan ku daah furo heestan macnaha weyn xanbaarsan , ee uu qaado Xasan Adan Samatar:

************************************************************

Ileyn Doqoni, qiiq kama kacdee,daaman keey meer meerisaa
docdeey kaa jirtaa bay,dhaxani kaa dishaayoo,
ma diirsado walaalkeed,intay duinda joogtee,
Doqoneey dabkaa be’

************************************************************

Ileyn Doqoni qiiq kama kacdee,daaman keey meer meerisaa
ma taqaano dawgoo,dabool baa ka saarane,
markay dalaq tidhaa bay,ilmada daadisaaye,
doqoneey,dabkaa ba’.

************************************************************

Akhriste,bal aan haddaba u deg dego halkaan u dan leeyahay iyo waxaan ka biyo diiday,ee aan rabo inaan ku saxo qalinkayga dhumucda leh,ee ka madhan fool xumada qabyaalada,shaqsi jeclyesiga iyo eexda.

Shalay bay ahayd markii Madaxweynaha Somaliland,Muj. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo,iyagoo maraya faras magaalaha magaalada Gabiley,KABO NIJAASA,lagala hor tegay.Dhacdadaasi oo ahayd mid aad u fool xun,oo xag diineed iyo mid dhaqan toona aynaan u lahayn.Haddiise Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo aad saluugteen,miyaanay ka qumaneyn ,in sidii rag yeeli jiray ,ee milgaha iyo sharafta lahayd,ee Somaliland ku caano maashay,inaad gole joog iyo miiska wada tashiga, dareenkiina ku soo ban dhigtaan…Anigoo ka duulayaa maah maahda Somaliyeed ee tidhaa:”Walaalkaa magtana ka bixi, markhaatigana ku fur,” waxay aniga ila tahay,inay taasi ahayd talo guracan , waxbana aydaan  kororsan , taariikh xumana aad la galbateen.

Hadaba,iyadoo taasi jirto,maxaa maantana keenay inaad Xisbiyo cusub , oo aan laba gar daadin iyo ballaan qaadayadii aad tidhaaheen hore ayaan ugu  hungoobney, iyo durbaanadan madhan, ugu  mashxaradaysaan , uguna sacabbo tumaysaan…….Waar ileyn , Doqoni xadhko lagu xidhayo,xusuladeey ku sidataa,ayaabaa hore loo yidhiye..Maxaase
idiin diiday , inaad idinku gacantiina Xisbiyo ku sameysataan,danta guud u walaalawdaan, gacmihiinana ku hagar baxdaan.

Yaan tawaadu iga idlaane  , aan soo af meero dulucda qoraalkaygan, oo ah:

Inay Gabiley shalayna Madaxwaynaha Somaliland,Muj.  Axmed Siilaanyo KABO Nijaasa kala hor tagto,maantana aay Xisbiyo aan laba gar daadin iyo durbaano madhan u mashxaraddo,waa kaaf iyo kala dheeri iga dheh

Waxaan dhammaantiinba idinku dhaafayaa, Somaliland Ha Noolaato  &  Long Live Somaliland

Reer Gabileyna waxaan ku sagootinayaa,Xasan adan Samatar, oo aan ka codsaday inuu heestii aan
ku wanqalay qoraalka ,u dhameys tiro….Sidee waaye Xasan,dabada u qabo hee !!!!

Eng.Mohamed Ali Muse
October 30,2011