“Inatii Xukuumadda Siilaanyo Joogtay, Haddii Guri La Iibiyay Ma Soo Helaysid” Wasiir Cali Mareexaan

(SL.Post) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in saska ay ka qaadeen xisbiga WADDANI saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka furanayaan  madaarka Berbera ay tahay arrintan mugdiga  rajadii ay xisbigaasi ka qabay inuu ku hanto talada dalka isla markaana  ay xoogaysanayso taageeradii bulshadda uu ka haystay xisbal-xaakimka KULMIYE.

index

Wasiirku waxa uu sheegay in cid kasta oo ka soo horjeedsata Saldhigga Millatari ee Berbera ay tahay cadawga Somaliland; “Saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka samaysanayo madaarka magaalada Berbera, baarlamaanka ayaa ansixiyay, duniduna way saameysaa, waxaana aan u arkaa saldhiggan in uu fursad u yahay Somaliland. waxaan ummada u caddaynayaa cid kasta oo   necbaa Somaliland ayaa ka qayliyay heshiiskan.  dawladda Imaaraadka iyo Soomaaliya waa kuwaas is qabtay ee safiirkoodii u yeedhay. waxa ay isku qabteenna waa saldhigga. dad kale oo Somaliland neceb oo qaylinayaana waa la arkayaa, shacabkuna badankiisu waa taageersan yahay saldhigaas,”ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan oo u waramay HCTV.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in meeqaamkii Somaliland uu kor u qaaday saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka samaysanayso madaarka magaalada Berbera, waxaannu yidhi; “Warbaahinta caalamka oo dhammi way ka hadleen, iyagoo magaca Somaliland kor u soo qaaday. Waxaynu   u baahannahay in aynu dunida dawladnimadeenna ka iibino oo caalamka u sheegno, wixii markab innoo yimaadaanna Imaaraadka ayaa ayay ka yimaadaan.

Markaa saldhigga millatari yaan laga dhigin in cirku soo dhacayo, werwerka xisbiga WADDANI ka haya saldhigaasi,  waxa weeye haddii ay isku xidhmaan dawlada KULMIYE iyo addduunku, waxa xoogaysanaya taageerada loo hayo xisbal-xaakimka.markaa  WADDANI waxay isleeyihiin si kale u dhiga oo waxay leeyihiin waddankii ayaa la liqayaa iyo  xuutiyiin ayaa ina laynaysa. waa arrimo siyaasadeed oo ay isleeyihiin sawir kale u sameeya, waana wax taariikhdu kala sheegi doonto. waxaa ka mid ah waxyaabaha aynu dhaafsanayno saldhigga Berbera iyo maalgalinta dekeda Berbera,  waxaa ku jira shaqaale reer Somaliland ah oo loo shaqo gaynayo Imaaraadka Carabta.”

“Intii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo joogtay haddii guri la iibiyay ma soo helaysid guri la iibiyay oo aan ku jirin misaaniyadda, dadkuna guryo la iibiyay ayay ka hadlaan, laakiin miisaaniyadda waxa ay ka kooban tahay dakhli iyo kharash. dakhliga waxa  ku qoran hantida la iibiyay kharashka ka soo xaroonaya.

kharashkana waxa ku qoran guryaha la iibiyay. waxa guryaha la dhisayo ayaa ka badan guryaha la iibiyay.”

 

Somalilandpost.net