“Inanta, inanka, taajirka iyo ku kasta oo dagaalkaas ka qayb qaata oo fidno-wade ah, gacan dawladeed baanu ku qabanaynaa”

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Xiisadda Colaadeed ee ka taagan gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka Ceel-Afweyn oo uu ku tilmaamay arrin nasiib-darro ku ah qaranimada Somaliland, waxaanu ballan-qaaday inay xukuumad dhinaca tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo u hoggaansami weyda dowladnimada iyo kala-dambaynta Sharciga.

IMG_3666Madaxweynaha oo saaka khudbad ka jeediyey munaasibadda 18 May, waxa uu yidhi, “Waxa aad dhammaantiin ila dareensan tihiin in Qabyaaladda, Qaadka, Colaadaha beelaysan ee soo noq-noqday iyo is-aaminaad la’aanta shacabka ee meelaha qaarkood ka jirtaa ay tahay dhibaato xoog badan oo dalkeena hortaala, mustaqbalkiisana culays ku haysa.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Colaadda ka aloosan Gobolka Sanaag, waxa aan u arkaa nasiib daro. Waa dhiig ku daadanaya xaq daro, Dawladda waxa ka go’an inay ka qaaddo tallaabo dawladnimo oo ay soo xidh-xidho oo gacnata kusoo dhigto qof kasta oo nabad-diid ah. Waxaad og tihiin in Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo odayaashii Guurtidu ay bil fadhiyeen deegaankaas, waxana Ilaahay mahaddii ah in dhawaad konton qof oo hubaysan inay ciidanku hubkii ka dhigeen, una gudbiyeen Boorama, kuwa lasoo wadona waxa aanu u gudbin doonnaa Saylac, Inanta, inanka, taajirka iyo ku kasta oo dagaalkaas ka qayb qaata oo fidno-wade ah, gacan dawladeed baanu ku qabanaynaa, waana naga go’aan oo waanu isku raacsannahay. Dhammaanba waxgaradka Sanaag waxa aan ugu baaqayaa inay ka hawlgalaan daminta colaadda ay wax ma-garatada iyo dadka fidno-wadeyaasha ahi abuurayaan, waxa aan si gaar ahaan waxa aan si gaar ah baaq ugu jeedinayaa maayarka Ceerigaabo iyo odayaasheedu inay ka hawlgalaan waxyaabaha ilaa shalay ka dhacaya, waana arrin naxdin leh in magaalo weyn oo Ceerigaabo oo kale ah in wiilal yaryari qoryo lasoo galaan oo dad xabbado ku dhuftaan.”

.

 

Walaalayaal, waxa aan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Somaliland in ay midoobaan, in ay is-aaminaan, in ay iskaashadaan. Waxa aynu ku weyno iskaashi iyo walaalnimo, lagu heli maayo kalifaad iyo jujuub.