Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe/Sare oo si rasmi ah maanta Dalka uga bilaabmay iyo Bushaarada Guddoomiyaha Imtixaanaadka

[H]argeysa (SLpost)- Waxa maanta degmooyinka iyo gobollada dalka si rasmi ah uga bilaabmay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee sannad-dugsiyeedka 2011/2012 oo ay guud ahaan ka qayb-galayaan 17, 531 (Todoba iyo Toban kun, Shan Boqol iyo Sodon iyo Kow Arday).

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada Md. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa ugu bushaareeyey Ardayda imtixaanka ka qayb-galaysa iyo waalidkooda kalsoonida iyo Cadaaladda nidaamka maamul ee xafiiska Imtixaanaadka Qaranka isaga oo sheegay in culayska hawsha Xafiiska uu guddoomiyaha ka yahay ay sahal ka dhigtay waayo-aragnimo uga dilaacday muddo 15 sanno ah oo ay hawshan soo wadeen awgeed.

“Waxaan rabaa inaan kalsooni siiyo ardayda iyo waaalidiintaba. Imtixaanka dugsiyada Dhexe waa sannadkii 15aad, kuwa sarena 13 ama 14 midkoodbaanu maraynaa baan filayaa. Arrintaas waxaanu ka kasbanay waayo-aragnimo faro-badan,” ayuu yidhi Guddoomiye Daa’uud Faarax, isagaa hadalkiisa sii raaciyey, “Waxaan jecelahay inaan kalsooni idinku siiyo; caddaalad ayaa runtii halkan (xafiiska imtixaanaadka) taala. Intii Tamartayada ahna waxaanu ku dedaalnaa ardayda Somaliland ee walaalaha ah, inaanu ku maamulno in natiijadoodu si caddaalad ah ku soo baxdo.”

Guddoomiyaha oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiska imtixaanaadka waxa uu xusay in hawl-wadeeennada xafiiskooda imtixaannadku ku dedaalaan inay aqoon ahaan la tartamaan dalalka horumaray, “Hawl-wadeennada xafiiska imtixaanaadku waa rag hamigoodu yahay, in kasta oo dalkeennu yahay dal yar oo aan wali la aqoonsan, in haddana aqoon ahaan kula tartanno dunida. Sidaa awgeed, waxaanu had iyo jeer ku dedaalnaa in ardayga ugu sarraynaya imtixaanku noqdo arday la majeerto markuu dalkeenna ka tago ee imtixaan dibadeed galo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Daa’uud Axmed Faarax.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa 16 June shaacisay in  5,846 Arday ay u fadhiisan doonaan Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Somaliland oo dhan kana dhacaya 42 goobood oo degmooyinka iyo gobolada dalka ah, halka 11,667 arday u fadhiisanayaan imtixaanka dugsiyada Dhexe oo ku qabsoomaya 98 goobood.

Imtixaankan ay u noqonaya ardayda Dugsiyada Dhexe sannad-dugsiyeedkii ugu horreeyey ee ay ardayda fasallada 8aad waxbarashada ku dhammeystaan lacag la’aan, tan iyo intii xukuumadda Kulmiye ka dhalatay dammaanad-qaadday daryeelka macalinka isla markaana waalidiintu ka reysteen Gunnadii ay macalimiinta ka siinayeen waxbarashada ubadkooda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@Somalilandpost.net