IMF Oo Wadanka Ukraine Siinaysa Lacagtii Ugu Badnayd Ee ay Siiso Wadan Ka Baxsan Wadamada Reer Galbeedka

UKRAINE (SLPOST)  Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay talaabada Hay’adda Lacagta Dunida ee IMF ay deyn gaadheysa 18 bilyan oo dollar ku siineyso Ukraine ay tahay mid muhiim ah oo gacan ka geysan karta in wax laga qabto baahida shacabka Ukraine mustaqbalka soo socda.

IMF

Mr. Obama waxaa uu hadalkan ka jeediyey magaalada Rome, kadib kulamo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha Talyaaniga.

Waxaa uu sheegay in madaxda Ukraine ay muujin karaan geesinimo muuqata iyo inay rajo ka muujiyaan mustaqbalka iyagoo sameynaya isbeddelo horseedi kara in uu kobco dhaqaalaha Kiev..

Waxaa uu Obama intaa ku darey in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay rajeynayaan in Ruushka uu dooran doono wadiiqad diblomaasiyadeed oo si nabadeed loogu soo afjarayo xasaradda Crimea.

IMF ayaa sheegtay lacagta ay siinayo Ukraine ee dhan 18ka bilyan ee dollar marka lagu daro lacagta kale ee ka imaneysa beesha caalamka ay wadar ahaan gaareyso 27 bilyan, lana siin doono waddankaasi muddada labada sanno ee soo socota.

Ukraine ayaa la filayaa inay dhaqangeliso isbeddelo adag , taa beddelkeedana la siinayo lacago badan oo dhaqaalaha ay wax laga qabato.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland