Ilo-diblomaasi ah oo shaaca Ka qaaday Qodob soo Jiitay Turkiga oo ku Jiray heshiiskii Istanbul iyo Ballan-qaad Somaliland uga Fadhido Beesha caalamka

Ankara (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibeda Turkiga ayaa si weyn ugu qancay qodob ku jiray go’aamadii Somaliland iyo Soomaaliya ku gaadheen magaalada Istanbul, sida ilo diplomaasiyadeed sheegeen.

Sida uu qortay wargeyska Turquie News ee ka soo baxa magaalada Ankara oo soo xiganaya ilo dibmolaasiyadeedkan, waxa la sheegay in wasiirka Arrimaha Dibeda Turkiga Ahmet Davutoğlu ka muujiyey ku qanacsanaantiisa go’aanka Somaliland iyo Soomaaliya ugu samaysanayaan xoghayn dalka Turkiga u fududeysa maamulka sii socoshada wada xaajoodka iyo gaadhitaan isfaham.

warka 1aadWasiirka khaarajiga Turkiga ayaa ballanqaaday taageerida dalkiisa ee gaadhitaanka talaabooyinka dambe ee laga filayo wada-xaajoodyada la muddeeyey inay labada dhinac ku kulmaan saddexdiisa biloodba hal mar.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Cabdi iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahadceliyey wasiirka khaarajiga Turkiga kaalinta dhexdhexaadka ay ka ciyaareen wada xaajoodka labada dhinac ilaa wakhtigan.

Daneeyaasha wada xaajoodka ayaa sidoo kale la sheegay inay isla qaateen gaadhsiinta beesha caalamka horumarka laga gaadhay wada xaajoodka sida siman u dhacay.

XIGASHO: Wargeyska Himilo