Ilmo Yar Oo Lagu Qashay Duleedka Lascanod Iyo Aabihii Dhalay Oo Ka Waramay Dhacdadaas

Lascanod (SLpost)-Deegaan lagu magacaabo Dabataag oo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool u jira 48 KM ayaa waxaa la sheegayaa in toddobaadkan lagu gowracay oo dhaawac la gaarsiiyay ilmo yar oo jira sadex sano.

Ilmahan ayaa reerkiisu waxa ay sheegeen in laga qaatay ardaaga gurigooda. Maxamuud Yuusuf Xasan oo ah aabaha wiilkan dhalay ayaa VOA u sheegay in wiilkiisu uu dhaawicii gorwacaasi ka soo gaaray ugu dhintay cisbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.

Maxamuud waxa uu sheegay in Baadi goob ay ku jiraan dadka deegaanka sidii loo soo heli lahaa qofkii ka dambeeyey falkan. “Ilmaha ardaa ayaa laga qaatay oo uu qofku ka qaatay, meel xoogaa u jirta markuu la marayay ayuu ilmihii legday oo toorey uu siday ku gawracay. gabadhii yarayd ee eegaysay waxay tidhi dhirbaaxo iyo dagaal ayuu ku legday.” ayuu yidhi aabahani.

Wuxuu sheegay in ilmahani noqonayo kii saddexaad ee deegaankas lagu qasho, iyadoo labadii horena aan nolol lagu soo gaadhin.