Ilme yar oo iskii u quuta naaska Saca qoyskooda! Tolow Maxaa sababay?

Bangkok (SLpost)- Ilme yar oo ku nool tuulo ku taala dalka Cambodia ayaa iskii u bilaabay inuu caanaha ka jaqo naaska sax irmaan oo reerkoodu leeyahay ka dib markii ay hooyadii dhashay baadi-goob u gashay shaqo markii uu gurigooda ay dumiyeen dabaylo duufaan wata oo deegaankooda ka dhacay.

Tha Sphoat awowgii ayaa ogaaday in ilmahan yar ee 18-ka bilood jiray uu iskii isku quudiyo ilaa bishii July markii ay waalidkii u haajireen dalka Thailand si ay shaqo u doontaan

Ka dib markii ay hooyadii ka joojisay nuujinta naaskar, wiilka yar waxa ku dhaca xannuun, sida uu sheegay 46-jirkan awowga u ah oo uu la joogo.

Wiilkan yari waxa uu daawaday wayl jaqaysa hooyadeed, isaguna waxa uu bilaabay inuu sameeyo sida waysha oo kale, isaga oo maalin walba si toos ah caanaha uga jaqa naaska saca.
wiilka yar awowgii oo la yidhaahdo Um Oeung ayaa sheegay markii ugu horreysay ee uu arko isaga oo caanaha ka jaqaya saca, inuu ka joojiyey dabadeedna uu ooyin bilaabay, taasina ay sababtay inuu u ogolaado jaqitaanka saca.

Dadka jaarka ah iyo saraakiisha tuulada Pheas oo ku taala gobolka Siem Reap, oo 195 mayl u jirta magaalo-madaxda Phnom Penh, waxay sheegeen inaanay ku faraxsanayn xaaladda xannaano ee ilmaha yari ku sugan yihiin.

“Aniga ayay eedda isaarayaan waxaanay igu war-geliyeen inaanan wax intan ka badan inuu ilmuhu sii jaqo saca. Waxay sheegaan in wiilka yari noqon doono mid bilaa xishood ah oo akhlaaq daran marka uu weynaado,” ayuu yidhi odaygu.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net