Ilaali Eedaabta Bisha Ramadaan !!!! W/Q: Khadar Jaamac Dirir

 Walaalayaal dhamaantiin waxaan idin leeyahay Ramadaan Kariim, haddii aan maqalkayga u soo daadago waxaan inyar kaga hadli doona bisha ramadaan ee ilaahay inugu faral yeelay inaynu soono.

Bisha Ramadaan waa bil qaali ah oo ahmiyad weyn ku fadhida, mudanna in laga faa’iidaysto oo la kasbado kheyraadka iyo barakooyinka ay wadato, taas oo ku xidhan dadaal iyo niyad wanaagsan,waa bil khayr badan oo Shayaadiintu xidhxidhan tahay.Bisha Ramadaan waa bisha 9-aad ee bilaha Hijriga ah,waxana la sharciyeeyey oo la waajib yeelay bishii Shacbaan ee sannadkii labaad ee Hijriyada.

Bisha Ramadaan waa bil uu Illaahay subxaana watacaalaa, u doortay inay ahaato bil loo soomo oo loo afxidhnaado Illaahay dartii,oo laga dheeraado cuntada,cabbidda iyo shahwad iyo denbiga kale oo dhan.
Soonku waxa uu ka mid yahay cibaadooyinka Alle ku waajib yeelay dadka oo dhan.
Cibaadadu waa ta Alle subxaana watacaalaa inoo abuuray,oo Alle mooyee ma jiro cid kale oo xaq lagu caabudaa “Uma aan abuurin Jinka iyo Insiga inay i caabudaan mooyaane wax kale, kama rabo risiq iyo inay i quudiyaan,Illaahay ayaa Raasiq ah,oo leh quwad xoog leh.
Cibaadadu waa dhamaan wax Alla wixii qofka ka soo fula ee uu ku kaco ama sameeyo,ee isugu jira waxa uu niyadda ka doono iyo waxa uu qowl ama hadal ahaan u yidhaahdo,ama waxa uu hawl ahaan ama ficil ahaan u sameeyo ee ula yimaaddo “Waxad tidhaahdaa(Nebi Allow)salaaddayda iyo camalkayga dar Alleed,iyo noloshayda iyo dhimashadayduba Alle ayay u sugan yihiin,oo wax shariig ah ma laha, sidaas ayaana lay amray,waxanan ahay Muslimiinta ka ugu horreeya.
Cibaadada Alle innagu waajib yeelay waxa ka mid ah Soonka,waana Rugniga 4aad ee Arkaanta Islaamka,waxana qofku isu afxidhayaa dar Alle,oo cuntada iyo cabbidda iyo sahwada ka soomayaa,sidoo kale isha iyo hadalka xun ee aan wanaagsanayn.