Iiraan Oo Ka Qaybgalaysa Shirka Degdega Ah ee Dalalka Islaamka Oo Ka Dhacay Sucuudiga iyo Xiisada Labada Dhinac

Hargeysa(SLpost)-Dowlada IRAN ayaa wafdi u dirtay dalka Sucuudiga si ay uga qeyb galaan shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan dalalka xubnaha ka ah ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka OIC oo ka dhacaya magaalada Jeddah.

Wafdiga IRAN ayaa waxaa hogaaminaya Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibada Abbas Aragchi oo ah mas’uulka u qaabilsan Sharuucda Caalamiga ah, isla markaana ah nin ku xeel dheer dhanka gorgortanka.

Shirka ka dhacaya Jeddah ayaa si gaar ah looga hadlayaa xiisada ka dhex taagan wadamada Sucuudiga iyo IRAN. Shirkan ururka OIC ayaa lagu wadaa inuu furmo maalinta Khamiista ah.

Abbas Aragchi ayaa kamid ahaa diblumaasiyiintii IRAN ee wax ka dhisay heshiiskii Barnaamijka Nukliyeerka ee dhexmaray IRAN iyo dalalka Reer Galbeedka, waana wafdigii ugu horeeyey oo ka socda Dowlada IRAN oo taga Sucuudiga tan iyo intii ay siixoogeysatay khilaafka labada dal kadib dilkii wadaad shiico ah oo ay xukuumada Sucuudiga qisaastay.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sucuudiga Adel Al-Jubeir ayaa ka codsaday Xoghayaha ururka OIC Iyad Madani in shirkan deg dega ah la isugu yimaado dalka Sucuudiga. Boqortooyada Sucuudiga ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waday olole diblumaasiyadeed oo ka dhan ah wadanka IRAN, waxaan todobaadkan soo shaacbaxday in Sucuudiga dowlada Soomaaliya uu siiyey $50 milyan si ay xiriirka ugu jarto dowlada IRAN, sida ay baahisay wakaalada wararka ee Reuters.

Dhinaca kale dowlada Pakistan ayaa war ay soo saartay shalay ku sheegtay inay diyaar u tahay inay wadankeeda ku qabato shir ay ku dhex dhexaadineyso IRAN iyo Sucuudiga.