Idaacadda Cusub ee Radio Hargeysa oo Rakibaaddeeda maanta la bilaabay

Hargeysa (SLpost)- Hawsha Rakibaadda Idaacadda Cusub ee Radio Hargaysa ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay Xarunta Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf waxaanu sheegay in si rasmi ah ay u bilaabantay rakibaada idaacadan oo ay awoodeedu badan tahay isla markaana wada gaadhaysa dalka Somaliland guud ahaantii iyo dalalka kale ee Mandaqada .

Agaasimaha Guud waxa uu u mahad celiyay Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo dadaal xoogan u gashay sidii dalku u heli lahaa idaacad ay shacabku inta badan u oomanaayeen, waxaa kale oo uu u mahad celiyay Kambaniga laga soo iibiyay idaacadan.

Agaasimaha Waaxda Farsamada Axmed Saleeban Weyne,iyo La taliyaha  Wasiirka Warfaafinta  Maxamed Maxamud Xasan Mijir ayaa sharaxaad ka bixiyay awooda idaacadan oo dhan 100KW, iyo Mudada ay ku dhamaan doonto rakibaadeedu.

Mas’uul ku hadlayay shirkada Brothers Trading Company oo ah tii Qandaraaska keenista ku guulaystay ayaa shaaciyay in rakibaada idaacadu ay ku dhamaanayso mudo afartan cisho ah.

Sidoo kale Agaasimaha idaacada Radio Hargaysa Siciid Aadan Cige ayaa ka waramay Qiimaha ay idaacadani u yeelan doonto Qaranka .

Geesta kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay Agaasimaha Telefishanka Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul oo sheegay in maanta muuqato in laga midho-dhaliyay ballan-qaadkii xukuumada talada haysa.

SLpost News/Hargeysa