HUNGAWGA HAYAANKA DHALINTA!! Qaybtii 2aad

 

 

… Waxa jirtay in Iskuulladda hoose aynu ku dhigan jirnay ragga uu ka mid ahaa Kolombas iyo qaar kale oo socdaalo sameeyay, aqoontana kaalin wayn kaga jira, adduunyaduna wax badan dheefsatay ilaa maanta waxa loo yaqaanaa cilmi badhayaal, saldhiga koobaadna u ahaa raad raac, u kuur gal aqooneed, maalin dhawayd warbaahinta ku mashquulsanayd Dhaynoosar nooc cusuba oo muddo horre noolaan jiray in lagga hellay dunidan taasi oo indhaha dadka xiiseeya waxyaabaha cusub ee dunnidu Shaaca ka qaaddaa aad isha ugu hayeen. Waa mid ka midda dadka marna nasan in ay dunnidan dhugtaan sidday doonnaan ha ugga jeedeene.

Aqoon baadhayaashaasi helay, waxay ku dooddeen in noocan cusubi uu aad ugu duwan yahay qalfoofyadii waayadii hore ay yaqaaneed. Taasi waxa ay caddaynaynsaa in duniddan aan walli wax baddan lagga oggaan, balse bulshooyinku aad bay u kala horreeyaan, oo qaarbaa ka sheekaynaya sheeko caruureed halka ragga qaarna ay dooxyadda dunnida oo dhan meel walba caggta dhigeen iyaggoo isticmaalaya aqoonta guud iyo ta gaar ahaaneed ee Allaah u furay ummadiisa nooc kasta oo ay yihiin.

Haddaan usoo gunddo daggo socddaallada hadda gilgilay, ruxay qalbiyada waalidiin badan, jiif iyo joog u diiday markii ay socddaaleen ubadkoodii, ama beerkoodii, ay ku soo tabceen muddada dheer duruufo kala duwan oo qof iyo xaalladdiisa nololleed, sababta ugu wayn ee laabtooda jeexddayna waa xaallada khatarta baddan ee ku gaddaaman socddaalladdan, taasi oo keentay in hooyooyin badani ay dib u fooshaan marlabbaad marka la soo tabiyo warar dhiilo leh ama doonyo badda ku qarqoomay ama ay gacanta u galeen kuwa aan jixinjixin ee arxanka daran loona yaqaano Magafayaal, wararakaasi oo soo noqnoqda muddo, xaaladda waalidiintana ugu sii dara rumayntooda iyo beenintooduna adagtahay,

Arrinta aan marna hoos loo eegin waa dhibaattadda gaadha waallidiinta. dhibaattadda waalidiinta soo gaadha iyo sida uu Allaah qiimo wayn ugu yeelay in waalidka la raali galiyo, waayo waxa uu Allaah lammaaneeyay arrin dhuggashadeeda leh. sida Cibbaaddada Allaah iyo Adeecida waalidka kuna cad Aa’yaddo badan iyo Sunnaha Suubban ee Suggan waxa dhacdayba, in Saxaabbi (Allaah Raali ha ka ahaadee) lagga reebay daggaal waajibna laga dhigay in waalidiintii u jihaado  u kaalmayntooda iyo u dhibirsanaantooda. halka dadd baddan oo dambiyo waayan galay la amray in ay adeecaan waalidiintoo taasi oo ajar wayni ku jiro, waxa kale oo aynaan fahmin in dhamaan Sunahayaasha ay ka horayso in aad waalidkaa u kaalmayso waayo iyadu waa waajib, waxa lasoo wariyaa in waalidkaa oo luggaha loo duuggo ay ka fadli badan tahay in aad 1000 kun sune tukato. dadkuna waxay u kala nasiib badan yihiin haddba sida ay waalidkood u la dhaqmaan aakhiro iyo aduunyaba, soomaaliduna hore ayay uga maahmaaheen oo saddex kaama hadhaan bay yidhaahdeen. Habaar waalid, haddimo xooleed, iyo hannsi gabadheed.

Uurku taalooyin waligood aanay ka bogsan iyo niyad xummaan waxa la nool qofka uu qof ka tahriibay ama isagu diray balse walbahaar faraha lagalay,  dhibaatada soo gaadha waalidiinta waa mabsiibada ugu culus ee ay keento socdaaladan aan la mahadin .

waa labba kala fog oo aan ubaahnayn in la qiimeeyo, waxa habboon in  aan idhaha laga lallin haddimada soo gaadhaysa waalidiinta marka socdaaladan lagalaayo. Waalidiintu waxay u hureen in ay soo koriyaan naf iyo maalba waxayna la soo jibaaxeen xaalaado kala duwan oo qaarkood si dirqiya uga soo saaray jaamacada, muddo dheerna la soomayaan soobaalnimo iyo saacidaad la’aan sinaba uga baxsan karin korita carruta uu masuuliyaddooda dusha ka saarantahay. Ujeeddada ugu wayn ee waalidkuna way caddahay oo waxa la yidhi NIMAAD DHASHAY KUMA DHALIN.

Haddaba masuuliyada ilmaha ama ama ubbadka saaranim maxay tahay ? runtii ciddiba si bay u qeexddaa balse waxaan lagu kala taggsannayn in uu anfaco if iyo aakhiraba .

Haddii ujeeddada waalidku caddahay maxay u caddan wayday udeedada ubbadku in ay iyaguna markooda ama kalkooda anfacaan, waa sheekaddii ISII aan KUSIIYEE oo kale, si kale haddaan u dhigno waa heshiis labba dhinac oo uu u garsoore wakhtiga isbaddaladiisa kala duwan ee keenta in midna xoogaysto midna sii daciifo.

Waxaan muhhima in lakala caddeeyo cidda heshiiska siddeeda u guddatta ama jabisa waana arrin iska cadd.

Haddii himilada aabaha ama hooyadu yahay in ilmihiisu uu qayrkii hiigsado, waxbarto, noloshana kaalin mug leh ka galo, taa baddalkeedana uu Waalidka anfacsiiyo, marka waalidku talax gabo da’duna liiciso baahani la daris noqoto baahi wayna u qaba in sida sabiga la sabo, xanaanayn baddan ubaahn inta noloshooda ka hadhay, si nasasho iyo  bustaan fanneedkii ay beerteen beerkoodda muddada dheer dhawrayeen.

waxa loogu abaal guddana waynu wadda ognahay. Socdaalkan sibiqle, si aan la dhaadin udhaca inkaarina uga siibato oo If iyo Akhaairaba hawsheeda leh. Allaah ha innaga dhawree.

waxa quraanka ku cad in caruurtaada oo aad arkaysaa ay kamid tahay nimcooyinka marka ay kula joogaan. haddii ay kaa maqanyiin waxaa kaa maqan nimco wayn lacagta ay doonaan hakuu soo diraane, waxaa dhacday in nin sheekh wayna oo kutubta laga akhristo isagoo casharkii wadda loo sheegay in hooyadii dhimatay sheekhii oo’hin baa la aamusiin kari waayay waxa aad ula yaabay ardaydii oo sheekh maanad qaddarka aamin sanayn waxa uu sheegay in Albaab Albaabada Janada kamid ahi uu maanta ka xidhmay. Albaabkaasi oo uu ku cibaadaysan jiray oo dib oo dambe camalkaasi aanu u qaban doodin inta noloshiika ka dhiman.

markaa waa in waalidiinta intii nolol kusoo gaadhay ay arrintaa aad uga faaiidaystaan waa jaanis cid gaara ay haystaan maanta. Waxkastoo uu qofkaasi socdaalay helo masoo baddi karo maalin uu hooyadii marooradilaacday ama haddimo soo gaadhay,

iyadoo dad badan oo qurbaha ku raagay ay awoodi waayeen in ay waalidkood maalin uu madaxa ka dhunkadaan ama aas kooda ka qaybgalaan muddooyin tobanaan sanadoodna aan idhaha saarin, waalidkaa aynu usoo xusnay. waxa uu kusoo koriyay sida in ay bacadka la fadhiisato tamaandho iyo wax aan dhaamin aa’buhuna muruqmaal aanu maalin ku nasanin, una sii dheer tahay in lagu khasbo waalidka in uu u iibiyo gurigii uu ku jiray ama jagadii uu ka naxaayay ee uu kaligeed eeganaayay qoyskoo dhami, waxana dhacda marka walbahaarkiisa iyo xaalladdaha soccddaallahu ruxdo meelo aan waligood bogsan. Waalidkan dhiban iyo qofkan dhoofay.

Waxaan dadbadan oo danyar ah amma aan awoodin la soo darisa xaaladdo nololeed oo addag runtiina aan laga sheekahyn karin ta gudaha iyo ta dibadda. Haddan ta gudaha yar dul istaagno tusaale kaliya bal ufiirso qoys dhan in qof kaliya oo kibir Soccddaalay loo gawraco rajada inta kale oo dhan marka gurriggii laggado.

Qalinkii: Ahmed Ali Kaahin

La soco qaybta 3aad INSHA ALLAAH.

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.