Hungary oo Xadkeeda Ku Xidhay Taar Adag Islamarkaasna Dhaqan Galinaysa Sharci Adag

 

Hungary(SLpost)-Dowladda Hungary ayaa silig adag ku xidhay xadka ay la wadaagto Serbia oo ah halka ay ka soo galayeen qaxootiga, saacado ka hor inta aanu dhaqangelin sharci cusub oo adag oo ay ugu talagashay inay ku xakameyso qaxootiga dalkeeda soo galaya ee ku sii socda Germany.

1E8788E3-65F9-49EF-927C-C87E311735F8_w640_r1_s_cx0_cy12_cw0

 

Sharcigan cusub ayaa mas’uuliyiinta Hungary siinaya awood ay ku xidhaan xabsiga ku dhigaan qof walba oo lagu qabto isagoo xadka dhinaca Serbia ka soo talaabaya.

Ilaa 5000 oo qaxooti ah ayaa xadka Hungary ee dhinaca Serbia ka soo galay ka hor inta aanay Hungary xidhin xadka, waana tiradii ugu badnayd ee qaxooti ah ee maalin qudha xadka gasha Hungary.

Talaabdan ayaa timi iyadoo wasiirada arrimaha gudaha ee Midowga Yurub ay ku guuldareysteen inay ku heshiiyaan qorshe lagu dajiyo 120 kun oo muhaajiriin ah.