Hungary oo Croatia Ku Eedaysay Inay La Shaqaynayaan Mukhalasiinta Dadka Tahriibinaaya

 

Hungary(SLpost)-Dalka Hungary ayaa ku eedeeyay dalka ay deriska yihiin ee Croatia in uu ku xadgudbaya sharciyada caalamiga ah oo uu la shaqaynaya mukhalasiinta, kadib markii maamulka dalka Croatia uu billaabay in uu muhaajiriinta u dira dalka Hungary iyagoo aan la diwaangalinin.

150918133314_croatia_512x288_ap_nocredit

Afhayeen u hadlay dawladda Hungary Zoltan Kovacs ayaa sheegay in tareen wado in ka badan kun qof oo muhaajiriin ah oo ay wehliyaan afartan sargaal oo ka tirsan baliiska Croatia ay gaaadheen dalka Hungary si lama filaan ah.

Kumanaan muhaajiriin ah ayaa galay dalka Croatia maalmihii la soo dhaafay kadib markii Hungary ay xadkeeda xidhtay. Waxa ay ku sii jeedaan waqooyiga Yurub.

Dadkani ntooda badann waxa ay ka yimideen Bariga Dhexe gaar ahaan waddamada Suuriya iyo Ciraaq.